Daawo: Sida loo xaliyey banaan-bixii Bajaaj-leyda ee Muqdisho ka socday

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta la shaaciyey in si hordhac ah xal looga gaaray khilaafkii soo kala dhex galay dowladda iyo dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta ee ka howlgasha Muqdisho, kadib shir jaraa’id oo lagu qabtay bartamaha wadada weyn ee Maka Al-mukarama.

Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir Maxamed Axmed Yabooh iyo Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir Macalin Mahdi ayaa tegay goobtii ay ku banana-baxayeen wadayaasha Mooto Bajaaj-ta.

Guddoomiye Yabooh iyo Taliye Mahdi oo warbaahinta la hadlay ayaa balan-qaaday in madaxda qaranka ay u gudbinayaan cabashada dhalinyaradaan.

Sidoo kale waxay sheegeen in Bajaaj-leyda ay kula heshiiyeen in banaanbaxyada la joojiyo oo ay shaqeystaan, iyadoo aan waxaba sharci ah la weydii doonin ilaa inta laga xalinayo cabashadooda.

Ciidamadii Taraafikada ayaa laga qaday jidadka Muqdisho, kuwaas oo Bajaaj-leyda weydii jiray Leesinka hadda laga cabanayo qiimihiisa.

Dhalinyarada ayaa ka cabaneysa in qiimaha Leesinka ay dowladu gaarsiisay 300 oo dollar, sidoo kale waxay ka cabteen ganaax ay ka qaadaan ciidamada Taraafikada ah ee jidadka jooga.

Dhalinyarada ku shaqeysata Mooto Bajaaj-ta oo iska soo saaray guddi gaar ah ayaa balan-qaaday inay u hoggaansami doonaan go’aankii lagu gaaray kulamadii ay la yeesheen madaxda gobolka Banaadir.

Sidoo kale Bajaaj-leyda ayaa shaacisay inay soo gabagabeeyeen banaanbaxyadii socday muddo 3 maalmood ah, isla markaana ay hadda kadib shaqeysa doonaan si nabad ah, xalka cabashadoodana ay ka sugayaan dowladda.

Hoos ka daawo