Daawo: Suuqa wayn ee degmada Wadajir oo gubtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xalay saq-dhexe ka kacay suuqa wayn ee degmada Wadajir, kaas oo dhaliyay khasaare hantiyeed.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in dabka uu ka dhashay koronto, isla markaana uu saameeyay maqaayad ku taalla suuqa degmada Wadajir ee gobolka Banaadir.

Mid kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in maqaayadda ay gubatay, isla markaana khasaare hantiyeed uu geystay dabka.

Waxaa kale oo uu tilmaamay in gurmad deg-deg ah ay sameeyeen maamulka degmada iyo shacabka, kaas oo suurageliyay in laga hortago in dabka uu kusii fido suuqa.

“Dabka saa’id ayuu u holcay xaafadaha oo dhan ayaa laga soo kala baxay wax la sameeyo ayaa la garan waayay, laakiin waa lagu guuleystay markii dambe in la damiyo” ayuu yiri qof kamid ah dadka deegaanka oo la hadlay Telefishinka Shabelle.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Firinjeeradii iyo jikinka oo ay dooradii ku jiraan kulli kulli way halaabeen dabka ayaana baabi’iyay”.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkasto saameynta dabkii xalay ka kacay suuqa weyn ee degmada Wadajir si weyn looga dareemayo halkaasi.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa muddooyinkii dambe ku soo badanayay dhacdooyinka la xiriira gubashada oo horay uga dhacay suuqyada kala duwan sida Bakaaraha.

Si kastaba, Gubashada suuqyada ayaa marar badan soo laa laabatay, dowladduna ma baarto sababta keenta dabka sanad kasta ugu yaraan hal mar ka kaca suuqa Bakaaraha.