Daawo: XAMZA oo luuqad adag kula hadlay Somaliland runtana u sheegay

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo xalay ka qayb-galay munaasabadda xuska 26-ka June oo lagu qabtay xarunta maamulka gobolka Banaadir ayaa luuqad adag kula hadlay maamulka Somaliland.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa ka hadlay sanad-guurada 64-aad ee ka soo wareegtay markii xorriyadda qaateen gobollada waqooyi ee dalka, wuxuuna hambalyo guud u diray shacabka Soomaaliyeed.

“Waxaan ugu hambalyeynayaa guud ahaan ummadda Soomaaliyeed munaasabadda 26-ka Juun oo ku beegan sanad guurada 64-aad ee ka soo wareegtey markii ay Gobollada Waqooyi Xorriyadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, isla markaana calankeenna laga taagey dhul Soomaaliyeed oo xor ah” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu ku daray “Waxay mudan yihiin dadkii Soomaaliyeed ee xorriyadda keenay meel kasta ha joogaane, in la xaqiijiyo himillooyinkii ay ka lahaayeen halgankii xornimo u dirirka, kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen dadka Soomaaliyeed oo mid ah, oo walaalo ah, oo hal calan iyo hal dowlad leh”.

Intaas kadib ra’iisul wasaaraha ayaa weerar ku qaaday Somaliland, wuxuuna kula hadlay luuqad adag, isaga oo sheegay inay mar kasta ku doodaan waxaan saxeynaa taariikh naga qaldantay, balse cidda ay ka qaldantay inay tahay Ummadda Soomaaliyeed.

“Farriinta aan dirayo waxaan u dirayaa qolo kale oo riyoota, waxay dheheeen taariikhbaa naga qaldantay oo aan saxeynaa qoladaas waxaan leeyahay haddii ay cid wax ka qaldantay oo taariikhda ka qaldan tahay annaga ayuu naga qaldan yahay” ayuu yiri Xamza.

Xamza ayaa tilmaamay in haddii ay sidan kusii socoto Somaliland ay qasab ku noqoneyso dadka Soomaaliyeed inay dib u xisaabtamaan, ayna qaadan doonaan go’aan dhaxal gal ah.

“Waxaan u sheegayaa qoladaas dadka Soomaaliyeed haku qasbina inay hadlaan oo ay dib u xisaabtamaan, intaas ayaan leeyahay ha i fahmaan ama yeysan i fahmin iyaga aya u taallaa” ayuu sii raaciyay ra’iisul wasaaruhu.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan meeshii ugu xumayd uu gaaray khilaafka u dhexeeya dowladda federaalka iyo Somaliland oo isku qabtay heshiiska badda ee Itoobiya.