Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa soo xiray kulan cilmiyeedka afaraad ee Xarunta Cilmi-baarista iyo Daraasaadka ee Maqaasid, kaas oo sanadkan looga hadlay mowduuc la xariira Dastuurka iyo Haybta Soomaaliyeed.
Kulanka oo ay ka qayb galeen culumaa’udiin, aqoonyahanno, xeel-dheerayaal arrimaha Dastuurka iyo xubno matalayay bulshada rayidka Soomaaliyeed ayaa laga soo saaray warmurtiyeed ku saabsan qodobadii lagu lafa-guray muddadii uu kulanku socday.
Xasan Sheekh ayaa isla maanta soo xiray Shiweynaha 5-aad ee Hoggaaminta iyo Hal-abuurka Dhallinyarada Soomaaliyeed, kaasi oo muddo labo maalmood ah Muqdisho uga socday dhallinyaro ka kala timid Muqdisho iyo gobollada dalka.
Madaxweynaha ayaa khudbad dheer ka jeediyey kulankaas, isagoo ugu horeyn dhallinyarada Soomaaliyeed bogaadiyey, sidoo kalena ka hadlay xaaladda guud ee dalka iyo arrimaha doorashooyinka.
Xasan Sheekh ayaa mar kale maanta hoosta ka xariiqay in marnaba aan laga laaban doonin qabsoomidda doorasho qof iyo cod ah oo dalka ka bilaaban doonta bartamaha sanadka soo socda ee 2025-ka.
Hoos ka daawo khudbadii uu jeediyey Xasan Sheekh