Daawo: Xasan Sheekh oo sheegay ciqaabta uu mudanayo qofkii lagu qabto hub sharci darro ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta khudbadiisii Jimcaha, isagoo ka hadlay muhiimada ay leedahay midnimada iyo wadajirka shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ka digay halista cadowga shisheeye ee kala qaybinta umadda Soomaaliyeed, isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed hadii ay midoobaan aysan jirin cid soo farogeli karta arrimaheeda gudaha, soona damaaci karta dalka.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa adkeeyay fulinta go’aanka xukuumadda ee ku aaddan la-dagaallanka hubka sharci-darrada ah, kaasi oo la mamcuunay in laga ganacsado, laguna heysto gudaha caasimadda Muqdisho.

“Hub in laga ganacsado waa sharci darro cid laga yeelayo ma jirto, waxaad rabto ahaaw, yaan lagu keydin gurigaaga, dowladda waa kula dagaalami doontaa, gurigaaga ayaa saq dhexe laguugu soo dhici doonaa, yaan lagu sirmin arrintaas,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in ciidamada amniga ay waaran u soo jara doonaan gurigii ay ogaadaan in hub lagu keydiyo, kadibna ay saq dhexe u daada doonaan, “sharaf malihid hadii gurigaaga hub sharci darro ah lagu keydiyo, waana iska kaa qabaneynaa,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa digniin u diray dadka ka ganacsada hubka, “dad badan ayaa xiran qaarna waa lagu daba joogaa, waxaan u digeynaa dadka hubka isugu dhiiba beelaha, xumaanta aan joojino oo nabadda kaalmeyno walaalayaal,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed ay leeyihiin wadan barwaaqo ah, “walaalayaal caqligu hadiin soo noqdo, u noolaada sida looga noolyahay aduunyada, dalkaan deganaasho ayuu u baahan yahay, dunida ayaa naga yaaban,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Xasan Sheekh.

Hoos ka daawo