Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey oo ka soo jeeda gobolka Hiiraan ayaa sheegay in haddii Madaxweyne Xasan Sheekh uu xilka ka qaado Agaasimaha NISA Cabdullaahi Sanbaloolshe ay furimaha dagaalka ka soo bixi doonaan macawiisleyda beesha Xawaadle.
Xildhibaanka ayaa qiray in Sanbaloolshe uu yahay shaqaale dowladeed oo mar kasta xilka laga qaadi karo, balse xilligan aysan munaasab u arkin in beesha Xawaadle oo furinta ku hartay aysan u qalmin in xil ka qaadis lagu abaal-mariyo.
“Waxaan tuhun badan ka qabnaa in sida hadda wax loo wado aysan dani ugu jirin dagaalka Al-Shabaab iyo beesha Xawaadle oo si dhab ah dagaalka ugu jirta,” ayuu yiri Xildhibaan Gurey.
Wuxuu ku dooday in amniga Muqdisho uu ahaa mid faraha ka baxay markii Sanbaloolshe loo dhiibay xilka hal sano ka hor, isagoo ku taliyey in xil ka qaadistaas inta la baajiyo abaalmarin loogu beddelo Sanbaloolshe.
“Muqdisho hotel lama gelin intii Sanbaloolshe joogay, anigu qabiil kuma difaacayo Sanbaloolshe, balse waxaan qareen u ahay shaqada qaranka oo ninkaas uu muhiim u yahay,” ayuu yiri.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey ayaa aad u ammaanay macawiisleyda gobolka Hiiraan, isagoo si cad u yiri: “Ciidamada Qaranka waxaa ka mudan, ka amaano badan, kana daacadsan macawiisleyda.”
Xildhibaanka ayaa Madaxweynaha kula taliyey in haddii Sanbaloolshe uu qalad galay la ganaaxo, balse weji gabax iyo in macawiisleyda reer Hiiraan la dayaco uusan horseedin.
“Ilaa maanta ma hayno sabab Sanbaloolshe looga qaadi karo xilka, Madaxweynaha oo aan meel ku ogeyn ciidamadii qaranka ayaa beegsanaya raggii gacanta ku hayey ciidamadii deegaanka, waxaa nooga muuqata in meesha lagu kala tegay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Gurey oo ka soo jeeda Hiiraan.
Xildhibaankaan ayaa jawaabaya warar soo baxay oo sheegaya in madaxda qaranka ay ku qanceen in Agaasimaha NISA lagu soo celiyo Mahad Salaad, si wax looga beddelo amniga dalka oo faraha ka sii baxaya.
Hoos ka daawo