Daawo: Xiisad horleh oo kasoo cusboonaatay Koonfur Galbeed

Baydhaba (Caasimada Online) – Xiisad horleh ayaa mar kale kasoo cusboonaatay Koonfur Galbeed, taas oo la xiriirta maamulka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool

Xildhibaan Cabdullahi Black oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka Soomaaliya ee kasoo jeeda degmadaas oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa eedeymo culus u jeediyay maamulka uu hoggaamiyo Laftagareen, wuxuuna sheegay inuu ku howlan yahay xilka qaadista guddoomiyaha degmada oo uu tilmaamay inuu ku yimid doorasho.

“Beryahaan dambe waxaa bilaabatay guddoomiyaha degmada Xudur ayaa xilka laga qaadayaa warar noocaas ah ayaa nasoo gaaraya, waana nin ku yimid doorasho oo si aqlabiyad leh loo doortay” ayuu yiri Xildhibaan Cabdullahi Black.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in wasiiro ka tirsan maamulka ay tageen degmada, isla markaana ay ku howlan yihiin fulinta qorshaha madaxweynaha Koonfur Galbeed.

“Waxaa Arbacadii tegay magaalada laba wasiir, waana wasiirka arrimaha gudaha iyo midka amniga marka farriimaha nasoo gaarayo ma ah kuwa u adeegayo nabadda iyo wada noolaashaha” ayuu mar kale yiri xildhibaanku.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Maamulka Koonfur Galbeed hadda waa xil gaarsiiyeyaal laga soo bilaabo madaxweynaha iyo golihiisa waisirada”.

Ugu dambeyn wuxuu ka digay in dagaal laga huriyo degmada Xudur oo uu tilmaamay in hadda ay ku jirto nabad, isla markaana uu shaqeynayo maamulkii ay doorteen shacabka.