Daawo: Xildhibaan Mustaf Dhuxulow oo si yaab leh ula taliyey Madaxweyne Xasan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow oo maanta warbaahinta kula hadlayey bannaanka Xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay inuu Madaxweynaha siinayo talo walaaltinimo.

Dhuxulow ayaa sheegay in labadii sano ee lasoo dhaafay talo bixinta wixii qaldama uu si khaas ah u siinayey Madaxweynaha, balse hadda la gaaray xili talada bannaanka lagu siiyo banaanka.

“Madaxaweyne masaajidka inta ka istaagtid dadka wacdi ha usoo dirin, adigaa hadda u baahan in lagu wacdiyo, adigaa la rabaa in lagu toosiyo, adigaa la rabaa in tusaallooyin lagu siiyo, adaa la rabaa in wadaadadu talo ku siiyaane, dadka masaajidka haka wacdin,” ayuu yiri Dhuxulow.

Sidoo kale Xildhibaanka ayaa madaxweynaha ugu baaqay in talada dalka oo kaligiis uu isku koobay uu dhulka dhigo, “Madaxweyne dhulka dhig talada dalka, in lagu toosiyo ayaad u baahan tahay,” ayuu yiri.

Xildhibaan Dhuxulow ayaa dowladda ka codsaday in ganacsatada loo fududeeyo in mashaariicda dalka ay kala socodsiiyaan.

“Ganacsatada haloo cadaalad falo, yeysan jirin cid gaar ah oo u dhaxeysa madaxda iyo ganacsatada oo muhiim u ah dalka,” ayuu hadalkiisa ku sii daray xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxulow.

Saxaafadda ayaa Xildhibaan Mustaf weydiisay sababta uu u weerarayo Madaxweynaha kaligiis oo xukuumadda iyo madaxda kale uusan ula hadleyn.

Xildhibaanka ayaa ku jawaabay, “Anaga hada ayaan bilownay inaan kor wax u sheegno, madaxa ugu sareeya ayaan saxeynaa, yaryarka weli ma aanaan gaarin, kuwaas taladoodu waa dambeysaa ee hadda qorshaheenu waa inaan toosino hoggaanka ugu sareeya.”

Hoos ka daawo