Dadaallo lagu qancinayo A/Madoobe oo socda iyo shirkii golaha wadatashiga oo hakad galay

Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ka socda kulamo xasaasi ah iyo dadaallo la doonayo in lagu qanciyo madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland, Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), si uu taageero go’aannada la xiriira doorashada oo ay soo saarayaan Golaha Wadatashiga Qaranka.

Axmed Madoobe ayaa si shaqsi ah u diiday in dalka loo jiheeyo doorasho qof iyo cod ah oo ay isku raaceen madaxda kale ee ka qayb-galeysa shirka, taasi beddalkeedana wuxuu ku dooday inuu qabsanayo doorasho dadbadan.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in haatan ay socdaan dadaallo lagu qancinayo madaxweynaha Jubbaland, waxaana hakad galay shirkii u socday madaxda dowladda federaalka iyo kuwa dowlad goboleedyada.

Dadaallada waxaa haatan kusoo biiray madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen oo maanta isaga iyo ra’iisul wasaaraha kulan gaar ah la qaateen Axmed Madoobe, kaas oo ujeedkiisu ahaa inuu kasoo dabco mowqifkiisa diidmada ah.

Ma jiro illaa iyo hadda wax natiijo ah oo la fahamsan yahay oo laga gaaray dadaallada socda, si loo dhammeeyo doodda taagan, una fashilmin Shirka Golaha Wadatashiga Qaranka.

Shirkan waxaa ka horeeyay mid kale oo xalay Villa Soomaaliya ku dhex-maray madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo Axmed Madoobe, laakiin wuxuu isna kusoo dhamaaday natiijo la’aan, kadib markii uu go’aankiisa ku adkeystay Axmed Madoobe.

Ma cadda illaa iyo hadda waxa sababay in nadaxweynaha Jubbaland uu qaato go’aanka uu kaligiis ku yahay iyada oo dhammaan madaxdii kale ay isku aragti ka noqdeen dooda  doorashada ee miiska saaran.

Inkastoo aanu si toos ah u fashilmin shirkii guud ee NCC, haddana waxaa muuqata in dowladda Federaalka ay dadaal badan ku bixineyso in la qanciyo Axmed Madoobe