Dagaal beeleed lagu hoobtay oo ka dhacay GALGADUUD

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed dib uga qarxay deegaano ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, kaas oo dhaliyay khasaare isugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanka Bali-Seenyoone oo u dhaxeeya magaalooyinka Caabudwaaq iyo Cadaaado, wuxuuna soo gaaray illaa xalay, kaas oo la’isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Ugu yaraan 10 qof oo isugu jiro dhinacyadii dagaalamay ayaa ku geeriyooday dagaalkan, halka ay ku dhaawacmeen 20 kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in beelaha dagaalamaya ay isku haystaan dhul bannaan oo ku yaalla halkaasi, waxayna arrintu ay isku rogtay dagaal uu dhiig badan ku daatay.

Xaaladdaya ayaa maanta kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayaa goobihii lagu dagaalamay oo ay isku horfadhiyaan labada dhinac.

Sidoo kale ma jiro illaa iyo hadda wax war ah oo kasoo baxay Galmudug oo ku aadan dagaalkaasi lagu hoobtay ee ka dhacay deegaankeeda.

Gobollada dhexe oo ay weli ka socdaan howlgallo xorey ah ayaa waxaa haddana ka qarxay dagaal beeleedyo wajiyo kala duwan leh oo saameyn ku yeeshay Galgaduud iyo Mudug.