Dagaal culus oo u dhaxeeya HirShabelle iyo Hiiraan State oo ka dhacay Beledweyne

Beledweyne (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal culus oo saaka ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalkan oo khasaare geystay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay xarumaha maamulka iyo xerada Lamagalaay, wuxuuna dhex-maray ciidamo kala taabacsan maamulka HirShabelle iyo kan Hiiraan State.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada taabacsan HirShabelle ay weerar ku qaadeen ciidanka Hiiraan State ee gacanta ku haya xarumaha maamulka gobolka Hiiraan.

Illaa hadda inta la xaqiijiyay hal askari iyo qof shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalka saakay ka dhacay gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dagaalka saakay ayaa waxaa durba guullo ka sheegtay hoggaanka Hiiraan State, iyada oo ujeedka weerarka ciidanka HirShabelle ku sheegay inay doonayeen carqaladeynta munaasabad loogu dabaaal-dagayo sanad-guurada Hiiraan State, taas oo si weyn looga dareemayo gudaha magaalada.

Xaaladda goobihii lagu dagaalamay iyo guud ahaan magaalada Beledweyne ayaa haatan degan kadib markii odayaal iyo waxgarad ku baxay dagaalkan ay ku guuleysteen inay kala qaadan labada ciidan ee dagaalamay.

Hase yeeshe waxaa weli sareysa cabsi la xiriirta in markale dagaalamaan labada dhinac ee gobolkaasi isku haya, maadaama goobaha ay kala joogaan aysan aad u kala fogeyn.

Shaqaaqadan ayaa imanaysa xilli maalmihii dambe la warinayay inay sii kala qeybsameen xubnaha Hiiraan State oo la sheegay in ay saddex garab u kala jabeen, isla markaana xiisad dhexdooda u dhaxeyso ay ka taagan tahay magaalada.