Dagaal iyo duqeyn is barbar socda oo ka dhacay Mudug

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal iyo duqeyn is barbar socda ay ka dhaceen qeybo ka mid ah koonfurta Mudug, waxaana weerarkan lagu beegsaday Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu faah faahiyey weerarkaasi, waxaana lagu sheegay in si gaar ah loola bartilmaameedsaday saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhexeysa deegaanada Qaycad iyo Hareere Dheere.

Sidoo kale Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen saldhigga la duqeeyey oo ahaa mid ay ‘ku dhuumaaleysanayeen xoogaga Al-Shabaab.

“Dagaal iyo duqeyn dhanka cirka ah ayaa ka dhacday saldhig kale oo kooxda Shabaab ay ku lahaayeen aagga u dhexeeeya Qeycad iyo Hareere Dheere, iyada oo ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ay hadda galeen saldhigga la duqeeyey,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyaan koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha dalka oo ay howl-gallo ka wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  iyo kuwa dowlad goboleedka Galmuudg.

“Duqeynta saakay ayaa noqoneysa tii saddexaad oo deegaanada koonfurta Mudug ka dhacda saddexdii todobaad ee la soo dhaafay, ayadoo argagixisada Shabaab ay soo waajahday xaalad adag iyo dagaal qaraar,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah.

Wasaaradda amniga Galmud warsaxaafadeedkeeda kuma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, marka laga reebo inay cagta mariyeen saldhigii Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.