Dagaalka DF iyo Puntland oo meel xun gaaray, kadib arrin maanta dhacday

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka siyaasadeed ee haatan u dhexeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo Puntland ayaa kasii daray, kaas oo saameeyay wada-shaqeyntii iyo xiriirkii magaalooyinka Muqdisho iyo Garoowe oo gebi ahaanba meesha ka baxay.

Kala tega dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ayaa sii kala fogeeyay arrimo badan oo muhii ah, wuxuuna uga sii daray xaaladda guu ee dalka.

Dagaalka haatan wuxuu gaaray meeshii ugu xumaa, waxaana kusoo biirtay warbaahinta dowladda oo si la yaableh uga hadashay shir xasaasi ah oo xalay madaxweynayaasha Puntland iyo Galmudug ay ku yeesheen waqooyiga magaalada Gaalkacyo ew xarunta gobolka Mudug.

Shirka labada maamul ayaa waxaa si gaar ah looga hadlay iskaashiga amniga labada dhinac iyo waxyaabihii ka dhaqan-galay heshiisyadii hore, hayeeshee warbaahinta qaranka oo baahisay wadahadalladan ayaa ka tegtay sawirrada madaxweyne Saciid Dani iyo wasiiradiisa, waxaana ay qaadatay oo kaliya sawirrada safka madaxweyne Qoor Qoor iyo mas’uuliyiintii ku wehlinayay shirkaasi.

Arrintan ayaa dhalisay hadal hayn xoogan, waxaana ka falceliyay dad badan oo Soomaaliyeed, kuwaaas oo si wayn u dhaleeceeyay warbaahinta dowladda Soomaaliya.

Cabdiraxiin Cismaan ayaa yiri “Dagaal shaanshiyeed war ninka sawwirkiisa maxaa u reebteen Qoor Qoorba waa soo saarteenee mise TV-ga Qqoorta walaalihiis aa leh?”.

Siidow Macallin Siidow oo caan ka ah baraha bulshada ayaa isna ku jawaabay “See camal Deni Soomaali ma ahan miyaa walee Tvga Qaranka waa wasaqeyseen?”.

Maxamuud Maxamed Diiriye ayaa isaguna su’aal ka keenay arrintan “Oo sawirka madaxwayne Deni maxa uga tagteen?”.

Cabdikariin Geelle ” War waxaani colaadin iyo xifaaltan rageed maaha! Waa maxay sawirada halka dhinac ah?!”.

Luqmaan Cismaan “Hadhow baa lagu dhihi TV ga qaranka walee waaa la’is bartay. Waqtigiinana waa gabagabo waxaad haystan 1 sano iyo 8 bilood”.

Khaliif Jaamac “Sawirkii madaxwayne Saciid Deni maxaad u qariseen oo Qoor Qoor kaliya usoo dhigteen cabsi miyaa wali Ka qabtaan oday Deni”.

Tahliil Xuseen Axmed “Waxaani waa fadeexad tii ugu weynayd tv-ga qaranka wuxuu jarey sawirka Deni”.