Dagaalka Qoor-Qoor iyo siyaasiyiinta Galmudug oo sii laba qarxay

Muqdisho (Caasimada Online) – Dagaalka siyaasadeed ee u dhexeeyo madaxweynaha Galmudug, Axmed Qoor-Qoor iyo siyaasiyiinta kasoo jeeda deegaannada maamulkaasi ayaa sii laba qarxay, kadib fadeexaddii ka dhalatay hubkii lagu bililiqeystay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud.

Dagaalka labada dhinac oo salka ku hayo is riixa doorashada kusoo foodka leh Galmudug ayaa sii laba jibaarmay, waxaana sii kordhay weerarada afka ah ee labada dhinac.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cagaweyne oo ka tirsan Golaha Shacabka Soomaaliya, kana soo jeeda Galmudug ayaa ku eedeeyay Qoor-Qoor inuu isku beddalay ciyaal weeraro iyo inuu aflagaadeeyo siyaasiyiinta kasoo horjeedo ee ay isku hayaan doorashada maamulkaasi.

“Madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday ee Galmudug oo iskubadalay ciyaal weero iyo in uu caayo dadka ay siyaasadda iskuhayaan, waxay cadeen utahay in uusan jirin xigmad kale oo kuhartay maamulkiisa, horay ayuu u curyaamiyay maamulka hadana waxa uu ka shaqeynayaa burburka Galmudug iyo inaysan waxba ka danbeeyn” ayuu yiri Cagaweyne.

Sidoo kale wuxuu u eedeeyay Qoor-Qoor inuu ku fashilmay hoggaanka Galmudug, isla markaana 4 sano kadib ay Galmudug cagaha la gashay dagaal beeleedyo xooggan.

“Waa maamulka kaliya uu kasocda afartiisa dhinac dagaallo qabiil oo Madaxweynaha xilka kadhamaaday uusan wax tilaab ah uqaadin in uu kala dhaxgalo dadka walaalaha ah waxa uuna waqtigiisa ugubadan kubixiyaa sidii uu bulshada ukala geenlahaa. Soomalida ayaa horay ugu maahmaahday Afxumo gurigaaga ayay kaa saartaa guriga kalana kuma geeyso!” ayuu mar kale yiri xildhibaanka oo soo saaray warsaxaafadeed.

Waxaa kale oo uu kusii daray “Waxaan leenahay Madaxweyne Qoorqoor Intaan kabadan sharci darro naguma hogaamineysid ee sharciyad la imow!”.

Dhankiisa Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye oo ka tirsan Golaha Shacabka ayaa isna si toos ah hubkii lagu dhacay Caabudwaaq ugu eedeeyey Madaxweyne Axmed Qoor-Qoor, isagaoo ugu hanjabay in mardhow Galmudug ay ka sameyn doonaan is bedel deg deg ah.

Xildhibaan Saabir ayaa sheegay in madaxweyne Qoor-Qoor uu adeegsanayo dhalinyaro Facebook isticmaasha, isaga oo sumcad dilaya musharraxiin iyo mas’uuliyiin kale.

“Waxaa wax lala yaabo ah in nin ummad dhani ay hoggaan dowlad goboleed ku aaminatay oo hadana uu hada waqtigiisii dastuuriga ahaa dhammaaday in uu inta badan waqtigiisa ku lumiyo kuna mashquulo isagoo weliba ku bixiyanaya xoolihii dadka tabaaleysan – magac dilka iyo cayda siyaasiyiin kula jira tartan siyaasadeed isaga oo adeegsanaya ciyaal facebook biil ka raadsada,” ayuu isaguna yiri Xildhibaan Cabdisaabir Nuur Shuuriye.

Si kastaba, dhinacyadan oo uu mid kasto u hanqal-taagayo in talada maamulkaas uu dhaxlo ayaa dhammaantood ku howl-galaya kalsooni iyo isku-halleyn ay ku qabaan madaxweyne Xasan, maadaama ay wada aaminsan yihiin in taageerada dowladda dhexe ay muhiim u tahay gaarista damacooda. Waxaase layaab ah in loolanka dhexdooda ah uu galaafanayo sumcadda iyo ujeeddooyinka siyaasadeed ee madaxweyne Xasan.