Danjiraha Soomaaliya ee Mareykanka oo ballan qaad u sameeyay saaxibadiisa SIMAD

Muqdisho (Caasimada Online) – Danjiraha cusub Soomaaliya ee dalka Mareykanka Daahir Xasan Carab oo xalay munaasabad sagootin ah loogu sameeyay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay mas’uuliyiadda culus loo igdamay, isaga oo ballan qaad u sameeyay saaxibadiisa Jaamacadda Simad oo iyagu soo qaban-qaabiyay munaasabadda.

Ugu horreyn Daahir Carab ayaa u mahadceliyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo u magacaabay xilka danjiraha Mareykanka ee Soomaaliya, wuxuuna sheegay inuu qaadan doonto talada bahda diblumaasiyiinta safaaradda, si horay loogu sii wado shaqada.

“Allaha ii fududeeyo xilka Safiirka Mareykanka ee Madaxweynuhu ii magacaabay, waxii talo ah bahda safaaradda ayaan ka qaada doonaa.” ayuu yiri Danjire Daahir Carab.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in uu xoogga saarayo xoojinta xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Maraykanka, isaga oo soo bandhigay dardaaran uu siiyay madaxweynaha.

“Madaxweynaha wuu ila dardaarmay, waxa uu u yiri Dowladda hadda joogta waxyaabaha ay Maraykanka ka rabto waa waxyaabo iska kooban waxaana kamid ah in la xoojiyo xiriirka labada Dal, in la kobciyo dhaqaalaha & dhanka waxbarashada” ayuu mar kale yiri danjiraha cusub Soomaaliya ee Maraykanka.

Ugu dambeyn Daahir Carab ayaa ballan qaad gaar ah u sameeyay saaxibadii Jaamacadda Simad, maadaama uu ahaa guddoomiyahoodii, kahor inta aan xilkan loo magacaabin, isaga oo tusaale usoo qaatay sheeko hore oo ka ka dhacday magaalada Beledweyne.

“Hadda kahor nin aan saaxibo nahay oo reer Beledweyne ah ayaa waxaa sagaashameeyadii usoo baxay leen Ingiriiska ah kadib wuxuu wacay dadki xaafadda deganaa, si loogu duceeyo kulanka ayuu ka istaagay wuxuu yiri ma i maqleysiinoo reer Buulo-Xaabley haddaan Ingiriiska tego qof halkan joogi doono ma jiri doono” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.