Sawirro: Itoobiya oo qaaday talaabo halis ah oo ka dhan ah qaranimada Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa sameeyey talaabo adag oo qar iska tuurnimo ah, kadib markii uu Somaliland u soo magacaabay safiir u gaar ah, taasi oo sii hurineysa xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu waraaqaha aqoonsiga danjirenimo ka gudoomay “safiirka cusub ee ka socda dalka Itoobiya” tani ay Soomaalida caawa ku noqotay layaab.

Qoraalkaan waxaa lagu soo lifaaqay sawirrada Muuse Biixi oo warqadaha ka guddoomaya sarkaalkaan uu soo magacaabay Abiy Axmed oo ku dhici waayey inuu aqoonsi siiyo Somalialnd, balse ku sasabay safiir aan sharci aheyn.

Hoos ka akhriso qoraalka ka soo baxay xafiiska Muuse Biixi:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka gudoomay waraaqaha aqoonsiga Safiirka Cusub ee Itoobiya u fadhiyi doona Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Teshome Shunde Hamito ee dhawaan la soo magacaabay.

Safiirka ayaa Madaxweynaha Qaranka Somaliland u soo gaadhsiiyey  salaan diiran oo uu uga siday Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya, Mudane Abiye Ahmed Ali. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa soo dhaweeyey Safiirka cusub, waxaanu u rajeeyey in Alle ku asturo xilka iyo masuuliyadda loo soo magacaabay.

Sidoo kale waxa shirka lagaga wada hadlay arrimaha amniga Gobolka Geeska Africa, adkaynta xidhiidhka labada dal ee walaalaha ah iyo iskaashiga mustaqbalka labada dal iyo shacabkaba