Baarlamanka Turkey oo ansixiyey mooshin ciidamo loogu soo dirayo Soomaaliya

Ankara (Caasimada Online) – Baarlamanka Turkey ayaa ansixiyey mooshin madaxweyne Erdogan awood u siinaya inuu ciidamada badda geeyo biyaha Soomaaliya muddo laba sano ah.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay markii Soomaaliya iyo Turkey ay bishii Febraayo saxiixdeen heshiis iskaashi difaac iyo mid dhaqaale, kaasi oo ujeedkiisu yahay in lagu xoojiyo awoodda difaacca badda Soomaaliya iyo dhismaha ciidan badeed.

Heshiiska ayaa yimid kadib markii Ethiopia ay heshiis la gashay maamulka Somaliland bishii Janaayo, kaasi oo Addis-Ababa lagu siinayo dhul-badeed ay ka sameysato dekad iyo saldhig ciidan badeed. Heshiiska waxaa si xooggan uga horyimid dowladda federaalka Soomaaliya.

Turkey ayaa horraantii July marti-gelisay wada-hadallo u dhaxeeyey wasiirada arrimaha dibedda Soomaaliya iyo Itoobiya, kuwaas oo aan miro-dhalin. Inkasta oo Itoobiya ay codsatay dhex-dhexaadinta, haddana ilo-wareedyo ayaa sheegay inay ka cago jiiday in horumar laga gaaro.

Arrintaas ayaa wararku sheegayaan in Turkey ay ku qasabtay inay dedejiso fulinta  ballan-qaadka difaaca Soomaaliya iyo ansixinta heshiiska.

Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Nuur) ayaa sheegay ansixinta mooshinka Baarlamaanka Turkiga ee ah in ciidamo badda loo diro Soomaaliya, ay ka dhigan tahay guul muhiim ah oo laga gaaray hirgelinta heshiiska difaaca iyo dhaqaalaha ee Soomaaliya iyo Turkiga.

“Dadaalka lagu xoojinayo amniga badda, Turkiga iyo Soomaaliya kama shaqeynayaan oo kaliya xasilinta biyaha xeebaha Soomaaliya, laakiin sidoo kale waxay kobcinayaan sida ay uga go’an tahay nabadda iyo amniga gobolka iyo xoojinta dadaallada lagula dagaallamayo argagixisada, burcad-badeedda, ka ganacsiga hubka sharci darrada ah. iyo khataro kale,” ayuu wasiirku hadalkiisa ku daray.

Tan iyo 25-kii February, 2009-kii, ciidamada badda ee Turkiga waxay ka qayb-qaadanayeen hawl-wadeennada caalamiga ah ee isku-dhafka ah ee la-dagaalanka burcad-badeedda Soomaaliya iyo deegaannada deriska la ah.