Ciidamada DF iyo kuwa Jubaland oo fashiliyay weerar ay soo qaadeen Shabaab

Afmadow (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in saaka maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Sbabaab ay weerar ku bilowday qaraxyo ku qaadeen deegaanada Buulo-Xaaji iyo Harboole oo ay dhowaan kala wareegeen ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Daraawiishta ee maamul goboleedka Jubbaland.

Weerarka oo ahaa mid gaamo ah oo ay aroortii hore saaka soo qaadeen Al-Shabaab ayaa waxaa xigay dagaal foolka fool ah oo u dhexeeyay labada dhinac, kaas oo saacad ka badan qaatay.

Qoraal kooban oo kasoo baxay dowladda Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in ciidamada ay fashiliyeen weerarkaasi, isla markaana ay dib u celiyeen Al-Shabaabkii weerarka soo qaaday.

“Geesiyaasha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa saakay fashiliyay Weerar fuleynima ah oo ay Khawaarijto ku dooneysay in ay ku qaadaan Degaanka Harboole ee Degmada Afmadoow kana tirsan Gobolka Jubada Hoose” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay dowladda.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in khasaaro lixaad leh la gaarsiiyay xubnihii weerarka soo qaaday, welina ay sii baacsanayaaan, sida ay hadalka u dhigeen.

Dhanka kale ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay kooxda Al-Shabaab oo ku aadan dagaalka ka dhacay gobolka Jubbada Hoose, kaas oo ay guul ka sheegatay dowladda Soomaaliya.

Deegaanka Harboole oo ah meesha uu weerarka ka dhacay ayaa u dhexeeyo degmada Afmadow iyo deegaanka Janaay Cabdalle, waxaana marta waddo muhiim u ah oo isku xirta gobolka Jubbada Hoose iyo gobolka Jubbada Dhexe, halkaas oo maalmo kahor laga fara maroojiyay Al-Shabaab.

Maalmihii u dmabeeyay ciidamada dowladda iyo kuwa Jubbaland ayaa kordhiyay howlgallada ka socda aaggaas, waxayna la wareegeen Buuloxaaji iyo deegaano kale.

Si kastaba, Jubbaland ayaa waxaa si rasmi ah uga billowday wajiga labaad ee dagaalka lagula jiro Al-Shabaab, kaas oo ay hoggaamineyso dowladda federaalka Soomaaliya.