Sawirro: Ciidamada DF oo jab kale gaarsiiyay Al-Shabaab, kana soo furtay HUB

Xudur (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya in maanta dagaal culus oo khasaare lagu gaarsiiyay Al-Shabaab uu ka dhacay duleedka degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool oo hoostaga maamulka Koonfur Galbeed.

Dagaalka ayaa u dhexeeyay ciidamada Xoogga dalka, gaar ahaan guutada 9-aad iyo maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Abagbeeday oo ka tirsan gobolka Bakool, kadib markii ay weerar culus ku qaadeen ciidamada dowladda.

Qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidanka Xoogga dalka ayaa waxaa lagu sheegay in howlgalkan jab wayn lagu gaarssiyay Al-Shabaab, isla markaana laga dilay xubno sar sare.

Sidoo kale waxaa warsaxaafadeeda lagu sheegay in ciidamada sameeyay howlgalka ay hub kasoo furteen kooxda, kuwaas oo ay ku jiraan Qoryaha BKM iyo AK47.

“Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan guutada 9-aad waxay howlgal qorsheysan ay ku dileen xubno sare oo ka tirsan Aragagaxisada. Abagbeeday oo qiyaas 20km dhanka beri kaga beegan Magaalada Xuddur ayaa isku hor imaad dhex maray ciidamada iyo argagaxisada waxayna ciidanka ay soo furteen hub ay ka mid yihiin Qoryaha BKM iyo AK47” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay Taliska Xoogga dalka.

Weerarkan ayaa waxaa ka horreeyay mid kale oo maalin kahor ka dhacay duleedka Kismaayo, kaas oo isna khasaaro ba’an lagu gaarsiiyay maleeshiyaadka Al-Shabaab, kadib markii lagu jabiyay weeraro ay ku soo qaadeen deegaano dhowaan laga wareegay oo ku yaallla gobolka Jubbada Hoose.

Ku dhowaad 100 xubnood ayaa looga dilay dagaalkaasi, kuwaas oo maydadkooda laso bandhigay, sidoo kale waxaa laga furtay saanad ciidan, sida ay sheegtay dowladda

Gobollada dalka ayaa waxaa weli ka socda howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab, kuwaas oo ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa dadka deegaanka.