Dab xoogan oo ka kacay suuqa Jowhar + Sawirro

Jowhar (Caasimada Online) – Warar kala ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo saaka ka kacay suuqa magaalada Jowhar ee xarunta HirShabelle, kaas oo gaystay khasaare hantiyeed oo baaxad leh.

Dabka ayaa lasoo warriyay inuu kusii fidayo goobo ganacsi oo suuqa ku yaallay, waxaana aad u yaraa gurmadka la heli karay sida ay sheegeen ganacsatadu.

Qaar kamid ah ganacstada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in burbur xooggan uu soo garay gooba ganacsi oo badan.

Ganacsatada ayaa sidoo kale sheegay in dabka u si gaar ah u sameeyay makiinado lagu shiido Sisinta, isla markaana ay gobteen boqol loor oo Sisin ah oo ay lahaayeen ganasatada suuqa wayn ee magaalada Jowhar.

“Waxa dhacay waa musiibo, waxaana iga gubtay saddex makiinad oo ah kuwa Sisinta lagu shiido iyo boqol loor oo Sisin ah, masiiba rabaani ah ayaa nagu dhacaday” ayay tiri haweeney kamid ganacsatada ku hanti beeshay suuqaasi.

Sidoo kale maamulka magaalada Jowhar oo kaashanaya dadka shacabka ah oo gurmad deg-deg ah sameeyay ayaa ugu dambeyn ku guuleystay daminta dabkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, inkastoo burbur aad u xoogan laga dareemayo suuqa wayn ee magaalada Jowhar oo ah halka uu dabka ka kacay.