Dagaal culus oo ka qarxay magaalada Garoowe iyo wararkii ugu dambeeyay

Garoowe (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal goordhow ka qarxay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, kaas oo u dhexeeyo ciidamada ammaanka Puntland iyo sidoo kale kuwa mucaaradka ee ku sugan magaaladaas.

Dagaalka ayaa lagu soo warramayaa inuu hadda ka socdo xaafado ay ka midyihiin xaafadda Kowda Agoust, baarlamaanka, illaa jidka Soddonka ee magaalada Garoowe.

Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in rasaas xoogan ay is qabsatay, isla-markaana ay mar qura xaaladdu faraha ka baxday.

Ugu yaraan hal qof ayaa ku dhintay dagaalkan, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay innoo xaqiijiyeen ilo dadka deegaanka ah.

Sidoo kale dagaalkan ayaa saameyn ku yeeshay dadka shacabka oo isaga barakacay xaafadaha qaar ee magaalada Garoowe oo indhowanahaan uu dhaq-dhaqaaq ka jiray.

Mucaaradka ayaa diidan in la furo dastuurka Puntland oo ay haatan doodiisa u fadhiyaan xildhibaanada golaha wakiilada ee maamulkaasi

Dhanka kale, ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxaya madaxda sare ee Puntland oo ku aadan xiisadda sii laba kacleyneysa iyo dagaalka ka socda halkaasi.

Lama oga sida ay wax noqon doonaan, balse xaaladda ayaa u muuqata inay faraha kasii baxayso, maadaama labada dhinac ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan Garoowe.

Si kastaba, Puntland weli waxa aan xal laga gaarin qabashada doorashada golaha deegaanka Garoowe, Godobjiiraan iyo Dangorayo oo mucaaridka ay diiddan yihiin.