Farmaajo oo digniin kasoo saaray qorshe ay waddo DF oo dal kale loogu wareejinayo…

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dowladda Soomaaliya uga digay qorshe uu sheegay in dal kale loogu wareejinayo maamulka hawada Soomaaliya.

Hoos ka aqirso qoraalka Farmaajo

Golaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxaan uga digaynaa hirgelinta qorshaha la xiriira in dal shisheeye ay ku wareejiyaan maamulka hawada Soomaaliyeed, taas oo ah tallaabo dhaawacaysa qarannimada iyo madaxbannaanida Soomaaliyeed.

Gacan ku haynta maamulka hawadu waa arrin taabanaya amniga Qaranka iyo madaxbannaanida dalkeenna, damaca haatan socoda ee Imaaraadka Carabta loogu wareejinayona waxa uu dib u celinayaa dadaallada naf hurka ahaa ee dib u dhiska dowladnimada Soomaaliyeed.

Soo celinta hawada dalkeenna waxaa lagu bixiyey dadaal ay hureen khubaro Soomaaliyeed, hanti iyo qorsheyaal diblumaasiyeed oo adag.

Waxaa nasiib darro ah in dano shakhsi ah oo aan laga fiirsan awgeed maanta loo burburiyo dhaxalkaas ay wadaagaan shacabka Soomaaliyeed.

Qalabka casriga ah ee yaalla garoommada iyo xarunta maamulka hawada Soomaaliyeed iyo khubarada waddaniga ah ee ku shaqaysa oo sannado koobaan dalkeenna ku gaarsiiyey heerka ugu sarreeya ee Class A ee dhanka hawada waxay caddayn u tahay in aysan jirin baahi loo qabi karo in shirkado iyo dalal shisheeye ay la wareegaan maamulka hawadeenna.