IMAARAADKA oo noqday dalkii labaad ee aqoonsaday…

Abu Dhabi (Caasimada Online) – Dalka Imaaraadka Carabta ayaa waraaqaha aqqoonsiga ka guddoomay dublamaasi ay Taliban u magacowday in uu noqdo safiirka Afghanistan ee dalkaasi, sida uu xaqiijiyay sarkaal ka tirsan dowladda Imaaraadka.

Dalkan ku yaalla Khaliijka Carbeed ayaa sidaas ku noqonaya dalkii labaad ee aqqoonsada danjire ay Daalibaan magacowday ka dib dowladda Shiinaha.

Diblomaasiyiinta Daalibaan ayaa ilaa sanadkii hore maamulayay safaaradda Afghanistan ay ku leedahay Abu Dhabi iyo qunsuliyadda ay ku leedahay Dubai, sida ay dublamaasiyiinta shisheeye ku warrameen, inkastoo ay muuqato in dublumaasiyiintaasi aan loo aqbalin sida dublumaasiyiin ka wakiil ah Afghanistan.

Sarkaal ka tirsan Imaaraadka ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in aqbalidda “waraaqaha aqqoonsiga danjirenimo ee safiirka Afghanistan” ay dib u xaqiijinayso go’aanka ay dowladda Imaaraadku ee kaalmeynta Afgaanistaan, oo ay ku jirto mashaariicda horumarinta iyo kuwa dib u dhiska.

Sarkaalku ma sheegin in Imaaraatka Carabta oo ka mid ahaa saddex waddan oo aqqoonsaday dawladdii Taliban ee Afghanistan maamuleysay 1996-2001, ay hadda Taliban u aqqoonsatay dawladda rasmiga ah ee Afgaanistaan.

Ma jirto dowlad si rasmi ah u aqqoonsatay xukuumadda Daalibaan tan iyo markii ay xukunka dib ula wareegtay saddex sano ka hor, iyadoo ilaa hadda uu Shiinaha oo kali ah si rasmi ah u aqbalay warqadaha aqqoonsiga safiirnimo ee danjire ay Daalibaan dalkaasi u dirsatay.

Laakin dad ay Daalibaan xilalka u magacowday ayaa howlo diblumaasiyadeed ka qabta dalal dhowr ah oo uu ka mid yahay dalka deriska ah ee Pakistan.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee ay maamusho Daalibaan ayaa bayaan ay soo saartay galinkii dambe ee Arbacadii ku sheegtay in Mawlawi Badreddin Haqqani loo magacaabay safiir, wuxuuna warqadihiisa aqqoonsiga u gudbiyay kaaliyaha xoghayaha arrimaha dibadda ee Imaaraadka Carabta u qaabilsan arrimaha habmaamuuska.