Israa’iil oo saaka WEERAR culus ku qaaday IRAN

Tehran (Caasimada Online) – Israa’iil ayaa saaka aroortii weerar ku qaaday Iran, ayada oo uga aargudaneysa weerarkii gantaallada ballistic-ga ee Tehran ay ku qaaday Israa’iil 1-dii October, waxaa sidaas xaqiijiyey ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay.

Taleefishinka qaranka Iran ayaa sheegay in qaraxyo ay ka dhaceen meelo badan oo dalkaasi ah, oo ay ku jirto Tehran. 

Sidoo kale, militariga Israa’iil ayaa sheegay in ay “duqeymo sugan la beegsanayaan” bartilmaameedyo militari oo ku yaalla Iran.

Saraakiisha Maraykanka iyo Israa’iil waxay rumaysan yihiin in Iran ay uga jawaabi doonto qaab milatari, balse waxay rajaynayaan in ay noqoto jawaab xaddidan, si labada dhinac ay bar-bar dhac u noqdaan.

Maamulka Biden ayaa ka walaacsan in jawaab ballaaran oo Iran ay bixiso ay horseedi karto dagaal ballaaran oo dhex-mara Tehran iyo Tel Aviv. 

Milatariga Maraykanka ayaa xoojiyay ciidamadooda gobolka dhowrkii toddobaad ee ugu dambeeyay ka hor weerarka Israel ay ku qaaday Iran.                 

Saraakiisha Maraykanka ayaa sheegay in ujeedadu ay tahay in Iran laga joojiyo in ay jawaabto, lagana caawiyo Israa’iil in ay iska difaacdo gantaallada Iran. 

Madaxweyne Biden iyo Xoghayaha Difaaca Lloyd Austin ayaa go’aansaday in nidaamka difaaca gantaalaha ee THAAD la geeyo Israa’iil oo ay la socdaan shaqaale ka tirsan hawl-wadeennada millatariga Maraykanka.

Taasi waxay ka dhigan tahay in askarta Maraykanku ay ka qayb qaadan karaan dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Iran ayaga oo ku sugan Israa’iil.