Joe Biden oo ka haray doorashada Mareykanka, soona saaray war rasmi ah

Waahington (Caasimada Online) – Madaxweyne Joe Biden ayaa ku dhowaaqay in aanu mar kale u tartami doonin xilka madaxweynaha Mareykanka, isaga oo soo afjaray ololihiisa dib u doorasho.

Biden ayaa qoraal uu soo dhigay barta X ku sheegay inuu sii wadi doono xilkiisa madaxweynaha Mareykanka iyo taliyaha guud ee ciidamada, illaa muddo xileedkiisa uu ka dhammaanayo bisha Janaayo ee 2025.

Waxa uu intaas ku daray inuu qaranka la hadli doono toddobaadkan.

“Waxay ii ahayd sharaftii ugu waynayd nolosheyda in aan noqdo madaxweynihiina. Islamarkaana in inkasta oo ujeedkaygu ahaa in aan mar labaad isku soo sharaxo, waxa aan aaminsanahay in ay dani ugu jirto xisbigayga iyo dalkaba in aan ka haro, oo aan diiradda saaro oo kaliya fulinta waajibaadkeyga madaxweynenimo inta ka hartay muddo xileedkayga,” ayuu qoray Biden.

Ka-haritaanka tartanka ayaa dhabbaha u xaaraya ku-xigeenkiisa Kamala Harris inay noqoto gabadhii ugu horreysay ee madow ah ee xilka madaxweyne u tartanta.

Biden oo 81 jir ah kuma qeexin magaca Harris warqaddii uu ugu dhowaaqay go’aankiisa.

Sioo kale ma cadda haddii xubnaha sare ee Dimoqraadiga ay Harris kula loolami doonin magacaabista musharaxa madaxweyne ee Dimoqraadiga, iyo in xisbiga dooran doono in tartanka laga dhigo mid cid kasta u furan iyo in kale.

Go’aanka Biden ayaa daba socda mowjado cadaadisyo shaacsan iyo kuwa qarsoon ah oo kaga yimid sharci-dejiyayaasha iyo saraakiisha Dimoqraadiga oo ahaa inuu tartanka ka haro kadib bandhiggii xumaa ee uu ka muujiyey dooddii uu la galay musharraxa Jamhuuriga Donald Trump.

VOA