Madaxweyne Xasan oo xil cusub u magacaabay Jeneraal Gaafoow

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Sarreeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud in uu noqdo La-taliyaha arrimaha ciidamada qalabka sida ee madaxweynaha.

Sarreeye Gaas Gaafoow ayaa khibrad durugsan u leh sugidda amniga gudaha iyo difaaca Qaranka, isagoo horey u soo noqday taliyaha hay’adaha nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka.

Ninkan ayaa waxa kale oo horey u noqday agaasimaha socdaalka iyo jinsiyadaha. Sidoo kale mas’uuliyado kale ayuu dalka ugu soo shaqeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa faray la-taliyaha arrimaha ciidamada qalabka sida in uu doorkiisa ka qaato qorsheyaasha qaran ee dib u dhiska ciidamada, si loo dhammaystiro guulaha xoreynta iyo dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Sidoo kale wuxuu madaxweynaha u rajeeyey in Eebbe uu ku guuleeyo shaqada culus ee loo magacaabay.

Magacaabistan ayaa imaneysa xilli uu madaxweynaha dardar-gelinayo howl-gallada ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo dhawaan uu bilaaban doono wejiga labaad ee dagaalka.

Si kastaba, waxaa heer geba-gebo ah maraya wejiga hore ee dagaalka, oo hadda dhameystirkiisa dhiig cusub lagu shubayo, si loo guda-galo wejiga xiga oo xoog badnaan doona kan hore.