Mareykanka, Turkiga iyo 3 dal oo kale oo isku raacay arrin culus oo xiisadda badda ah

Washington (Caasimada Online) – Dowladaha Qatar, Turkiga, Imaaraadka Carabta, Ingiriiska iyo Mareykanka oo Soomaaliya ka taageera dhinaca ammaanka ayaa mar kale ku celiyeen inay lama taabtaan tahay madax-bannaanida Soomaaliya iyo midnimada dhuleed.

Wadamadaan oo kulan xasaasi ah ku yeeshay magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa waxay isku raaceen inay ka soo horjeedaan wax kasta oo qal-qal iyo xasilooni daro ka abuuri kara Geeska Afrika.

Sidoo kale waxay dowladda Turkiga ku bogaadiyay dadaalada ay ku doonayso inay ku dajiso xaalada xilli Turkiga uu marti galiyay labo shir oo loo qabtay Soomaaliya iyo Itoobiya.

Shirarkaas ayey sidoo kale dowladda Soomaaliya ay ku cadaysay mowqifkeeda ah “in aysan ka gor gortamayn in Itoobiya ay ka laabato damaceeda xad-gudubka ah.”

Kulaan ayaa waxaa ka qayb-galay masuuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ah, iyadoo lagu soo dhaweeyay dadaalada dowladda Soomaaliya ee ku aadan diyaarinta iyo isku dabaridada ciidan Qaranka oo lagula xisaabtami karo xasiloonida wadanka.

Dhanka kale, kulanka inta uu socday ayaa looga hadlay baahida deg-dega ah ee loo qabo in la dhamaystiro qorshayaasha cusub ee howlgalka xasilinta iyo taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya si loo soo afjaro howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntiina, wadamadaan Soomaaliya ka caawiya dhinaca amniga ayaa isku raacay shirka xiga oo ah shireka 8-aad in lagu qabto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.