Wasiir Fiqi oo mooshin laga gudbiyay maanta iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta qaaday tallaabo culus oo ka dhan ah wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, oo ay u jeediyeen eedeymo culus oo ku aadan shaqad wasaaradda.

Illaa 90 oo saxiixay mooshinkan ayaa toos ugu gudbiyay guddoonka sare ee baarlamaanka waxayna soo bandhigeen eedeymo dhowr ah.

Mooshinka ayaa ujeedkiisa waxa uu yahay in dib u eegis lagu sameeyo xilka wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Mudane Axmed Macalli Fiqi, sida ku cad nuqulka mooshinka ay gudbiyeen xildhibaannadu.

Si gaar ah waxaa wasiirka loogu eedeeyay inuu cuuryaamiyay shaqadii wasaaradda, isla markaana uu awood tiray wasiiru dowlaha iyo wasiir ku xigeenka, isla markaana uu awoodda isku soo koobay isaga oo kaliya.

“Fiqi wuxuu curyaamiyay shaqaddii wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, isagoo ku amray ku xigeenadiisa iyo Agaasimaha inaysan saxiixin wax warqad ah mudada uu safaradda dibadda ku maqan yahay,” ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saareen xubnahan.

Waxaa kale oo ay tilmaameen shaqooyinkii laga rabay wasaaradda arrimaha dibadda qayb kamid ah lagu wareejiyay shirkad ah oo ay xildhibaanada gudbiyay mooshinka ay sheegeen inay isticmaasho shabadda wasaaradda, taas oo lacag dheeri ah soo rogtay.

Ugu dmabeyn xildhibaannada saxiixay mooshinka ayaa guddoonka ka dalbaday in si deg deg ah dib loogu eego shaqada wasiirka, si loogula xisaabtamo shaqadiisa.