Mukhtaar Roobow oo farriin hanjabaad ah u diray macalimiinta dugsiyada Qur’aanka

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS ayaa soo saartay war-saxaafadeed ay dowladdu digniin ugu dirtay macalimiin xogtooda la hayo oo qorsheynaya inay u hoggaansamaan fikirka guracan ee Khawaarijta.

Warkaan ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta waxaa lagu socod siiyey dhammaan Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka iyo Ducaada Soomaaliyeed, sida mu’adin, imaam masjid, khadhiib ama daaaci ah.

Wasaaradda oo cuskaneysa bayaan ay soo saartay bishii 2-aad ee sanadkii 2023 oo lagu mamnuucay la macaamilka iyo u tagista kooxaha Khawaarijta ayaa qoraalkaan ku tiri.

“Wasaaradu waxay xog ku heysaa in ay weli jiraan Macalimiin Dugsi Qur’aan iyo culimo qorsheynaya in ay u hogaansamaan amarada Khawaarijta, isla markaana ku howlanyhiin aadista goobaha khawaarijtu ku dhuumaaleysato.”

Shirarkii ugu dambeeyay ee Culimada Soomaaliyeed ee ku qabsoomay Muqdisho Oktoobar 2022 iyo Janaayo 2023, ayaa laga soo saaray Fatwooyin Sharci ah oo ka dhanka ah la macaamilka kooxaha Khawaarijta.

“Wasaaraddu waxay u cadeyneysaa in qof kasta oo macallim dugsi Qur’aan, mu’adin, imaam masjid, khadhiib ama daaaci ah ee lagu helo la macaamilka khawaarijta ama u hogaasamida amarradooda, in laga qaadi doono talaabo sharciga waafaqsan, isla markaana aan loo haynin wax cudur daar ah,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta ee XFS.

Caasimada Online ayaa habeen ka hor baahisay xogtaan, waxaana ogaanay in macalimiin badan ay u tageen Al-Shabaab, kuwaas oo la isugu geeyey deegaanka Tawakal ee gobolka Sh/Hoose, halkaas oo qaarkood ay weli ku xayiran yihiin, maadaama ay ogaatay dowladda Soomaaliya oo hadii ay Muqdisho ku soo laabtaan la xirayo, lana maxkamadeynayo.

Al-Shabaab, sidaan oo kale ayey sanad ka hor macalimiinta dugsi Qur’aanka iyo Imaamyada masaajidda ugu yeereen, waana u tageen intooda badan, waa arrin halis ah, maadaama dadkaas ay soo xambaarayaan fikirka gaaleysiinta iyo gumaadka dadka ee kooxdu duurka kula jirto.

Waxaa xusid mudan in macalimiinta aaday kooxda ay isugu jiraan kuwo dhiga iskuulo, jaamacado iyo dugsiyaal lagu barto Qur’aanka, dowladda Soomaaliya waxay masuuliyadu ka saaran tahay in dadkaan shacabka ah ee aqoonyahanka ah ay ka badbaadiso kooxdaas arxanka daran, balse si lamid ah Shabaab-ka ayey warbaahinta uga hanjabeysaa.!