Puntland oo toogasho ku fulisay 10 Al-Shabaab ah

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Puntland ayaa saaka dil toogasho ah ku fuliyay 10 xubnood oo ka tirsanaa kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo horay loogu riday xukuno dil ah.

Ragga la toogtay ayaa ahaa shabakado isku xirn oo ka tirsanaa kooxaha Al-Shabaab, kuwaas oo ay horay gacanta ugu soo dhigeen ciidamada ammaanka Puntland.

“Maanta magaalada Gaalkacayo waxaa lagu fuliyey xukun dil ah 10 ka tirsan argagixisada Al-Shabaab, kuwaas oo horey maxkamadda sare ee ciidamada ay ku xukuntay dil, kadib markii lagu helay inay geysteen dilal magaalada Gaalkacayo” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay taliska ciidamada Booliska Puntland.

Toogashada oo dhacday abaare sideedii subaxnimo ee saaka ayaa ka dhacday waqooyiga magaalada  Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayada oo warbaahinta loo soo bandhigay sawirrada xubnaha la toogtay oo ku xiran tiirka toogashada.

Dhammaan ragga la toogtay ayaa lag helay Al-Shabaabnimo iyo inay weeraro ka gaysteen magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Fulinta xukunkan toogashada ah ayaa waxaa si aad ah u baahiyay warbaahinta, ayada oo laga hadal hayo baraha bulshada, maadaama ay hal mar toogashada lagu fuliyay 10 nin oo ka wada tirsanaa kooxda Al-Shabaab, inkastoo horay sidaan oo kale Puntland toogasho wadareed ugu fulisay xubno ka tirsanaa kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish.

Toogashadan  waxa ay kusoo aaday maalmo uun kadib markii xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab ay ka baxsadeen xabsi ku yaalla waqooyiga magaalada Gaalkacyo oo ay maamushu Puntland, waxaana ku jiray xubnaha baxsaday kuwo ku xukunaa toogasho.