Qaraxyo is xig-xigay oo ka dhacay Muqisho + Khasaaraha

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxyo xoogan oo goordhow ka dhacay qaybo kamid ah magaalada Muqdisho, gaar ahaan degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Qaraxyada oo is xig-xigay ayaa si gaar ah uga dhacay waddada laamiga, gaar ahaan dalcadda degmada Kaxda, sida ay innoo xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya in qaraxyada ay ahaayeen labo, ayada oo nuucooda lagu sheegay miinada dhulka lagu aaso.

Khasaare badan ayaa lasoo wariyay oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad shacab ah iyo askar ku sugnaa goobaha la qarxiyay.

Sawirro lasoo dhigay baraha bulshada ayaa sidoo kale muujinayo maydad iyo dhaawacyo dhulka daadsan oo gurmad deg deg ah loo fidinayo.

Sidoo kale halka uu qaraxu ka dhacay ayaa ahayd goob ay dhalinyarada tegaan, ayna sawirro ku galaan, maadaama ay u dalxiis tegaan halkaasi.

Guddoomiyaha maamulka degmada Kaxda oo goobta kula hadlay warbaahinta wuxuu xaqiijiyay dhimashada 5 wiil oo dhalinyaro ah iyo dhaawaca 8 kale oo ku sugnaa halkaasi.

Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, waxaana goobta tegay ciidamo ka tirsan kuwa dowladda oo halkaasi ka sameeyay baaritaano dheeraad ah.