Qorshe lagu magacaabayo R/Wasaare ku xigeen 2-aad oo caawa socda iyo caqabad hortaagan

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa caawa shir deg deg ah isugu yeeray golaha wasiirrada, Caasimada Online waxay ogaatay in qorshuhu ahaa in caawa la magacaabo Ra’iisul Wasaare ku xigeen labaad.

Qorshaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa la ogaaday kadib markii xogtaasi ay ka baxday xafiiska Xamza, intaas kadibna waxaa is qabsaday buuq iyo sawaxan siyaasadeed oo ka dhashay magacaabidda ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee dalku yeelanayo.

Ilo wareedyo ka agdhow xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa Caasimada Online u sheegay xubnaha Golaha Wasiirada ay soo xaadireen shirka, balse ra’iisul wasaare Xamsa uusan weli soo gelin hoolka, si shirkaasi u furmo.

Waxaa xafiiska Ra’iisul wasaaraha isugu tagay xildhibaannada beesha Isaaq oo ku fadhisa kursiga Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka, kuwaas oo diidan qorshaha lagu dhisayo Ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad.

Siyaasiyiinta caawa isugu tagtay xafiiska Ra’iisl Wasaaraha waxaa ka mid ah guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka Abshiroow, Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Saalax Axmed Jaamac iyo wasiirka maaliyadda Biixi Iimaan Cige, kuwaas oo diidan in kursigooda ra’iisul wasaare ku xigeenka mid kale laga garab dhiso.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xildhibaanada ka soo jeeda Koonfur Galbeed horay uga balan qaaday in kursigaas uu siinayo, waxaana socda balanqaadkii madaxweynaha qorshe looga dhabeynayo.

Madaxweynaha ayaa xiligaas reer K/Galbeed ka dalbanayey inay ansixiyaan 4-tii cutub ee ugu horeysay dastuurka oo dhowaan la ansixiyey, isagoo ka balan qaaday in kursiga ra’iisul wasaare ku xigeenka labaad ee xukuumadda uu siinayo  K/Galbeed.

Golaha Wasiirrada ayaa ku yimid balantii loo qabtay, balse ra’iisul wasaare Xamse ayaan weli soo gelin hoolka shirarka ee golaha, sababo la xiriira culeyska siyaasadeed ee xildhibaanada gobollada waqooyi uu kala kulmayo, kuwaas oo buux dhafiyey xafiiskiisa.

Siyaasiyiinta dowladda federaalka ku metesha gobollada waqooyi oo Ra’iisul wasaare ku xigeen Saalax Jaamac uu horkacayo ayaa si weyn u diidan in la magacaabo kursi cusub oo ra’iisul wasaare ku xigeen labaad ah, kaas oo daciifinaya awooda ay ku leeyihiin xukuumadda.