Qorshaha safarka Xamza uu ku tegay Baydbaba + Sawirro

Baydhaba (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre iyo wafdi u hoggaaminayo ayaa goordhow ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo, halkaa soo si weyn loogu soo dhaweeyay.

Xamza iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Shaati Gaduud kusoo dhaweeyay madaxweynaha Koonfur Galbeed, wasiiro, xildhibaanno iyo boqolaal shacab ah.

Intaas kadib ra’iisul wasaaraha ayaa loo galbiyay xarunta madaxtooyada Koonfur Galbeed, halkaas oo uu kulan gaar ah kula qaadan doono madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen, si uu ugala hadlo xiisadda sii kululaaneyso ee kala dhexeyso dowladda dhexe.

Wararka ayaa sheegaya in Xamza uu diray madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isla markaana uu wakiil uga noqon doono dhex-dhexaadin la doonayo in lagu qaboojiyo xiisadda taagan ee ka dhalataya arrimaha Itoobiya.

Sida ay ogaatay Caasimada Online ra’iisul wasaaraha ayaa doonaya inuu Laftagareen ku qanciyo  inuu yimaado magaalada Muqdisho, kadibna ambaqaado xalinta arrimaha taagan iyo tabashada ay qabto Koofur Galbeed.

Xiisadda ayaa dhowaan cirka isku shareertay, kadib markii maamulka Laftagareen uu ka horyimid qorshaha Villa Soomaaliya ee ku aadan sida loo wajayo arrinta Itoobiya, waxaana deegaanada maamulkaasi ka dhacay dibadbaxyo lagu taageeray ciidanka Itoobiya.

Sidoo kale waxaa jirtay xildhibaanada taageeray Koonfur Galbeed, kuwaas oo iyana dab ku shiday xiisadda haatan taagan oo yeelatay waji cusub, kuwaas oo u mahaceliyay Laftagareen.

“25-Xildhibaan ee taageertay rabitaanka shacabkooda waxay noola mid yihiin 13-SYL, waxaan la dareenahay rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed,” ayuu horay u yiri Lafta-gareen oo la fahamsan yahay inuu gadaal ka taagan yahay qorshaha dad Soomaaliyeed ku taageerayaan Itoobiyaanka.

Si kastaba, lama oga sida ay wax noqon doonaan, laakii arrimahan waxay kusoo aadayaan xilli haatan Koonfur Galbeed ay ku soo wajahan tahay doorasho si weyn loogu loolami doono.