Madaxweyne RUTO oo kala diray golaha wasiirrada Kenya + Sababta

Nairobi (Caasimada Online) – Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa goordhoweyd kala diray golihiisa wasiirada, marka laga reebo wasiirka arrimaha dibadda.

Madaxweyne Ruto ayaa sidoo kale xilkii ka qaaday xeer ilaaliyaha guud ee Kenya.

Ruto ayaa waxa uu sheegay in go’aankan uu qaatay kadib dhacdooyinkii ugu dambeeyay ee Kenya ee qasabka ka dhigay in madaxweynaha uu ka noqdo sharciga maaliyadda ee 2024 iyo ka dib markii la tix-geliyay codsiga Kenyaanka iyo weliba qiimeeyntii golaha wasiiraddiisa.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah cadaadis todobaadyadii u dambeeyay Ruto uga imanayay baarlamanka Kenya oo ka dalbanayay inuu eryo wasiiro ay ku sheegeen kuwa fadhiid ah, musuq-maasuq badan, oo aan howshii loo igmaday qaban karin.

Kenya ayaa la daala dhaceysa natiijooyinkii ka dhashay dibad-baxyo waddankaasi oo dhan qar-qiyay oo looga soo horjeeday siyaasadda dowladda Ruto ee dhinaca maaliyadda iyo canshuuraha, taasi oo markii dambe uu madaxweynuhu ka noqday.

Dibad-baxyada Kenya oo dhallinyarada ay hogaamineysay ayaa dalkaasi ka abuuray mushkiladii ugu weyneyd labada sano ee uu Ruto xukunka hayo.

Ugu yaraan 39 qof ayaa ku dhintay dibad-baxyada oo rabshado watay oo dhismaha baarlamanka Kenya muddo kooban lagu galay oo dab la qabadsiiyay bishii la soo dhaafay.