Soomaaliya oo maanta ku guuleysatay kursiga Golaha Ammanka ee Q/Midoobe

New York (Caasimada Online) – Soomaaliya ayaa ku guuleysatay inay ku biirto golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa maanta kamid noqotay shanta xubnood ee cusub ee buuxinaya kuraasta aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay inta u dhaxeyso sanadka 2025 iyo 2026-ka.

Golaha ayaa maanta u codeeyay shanta dal ee kala ah Soomaaliya, Pakistan, Denmark, Greece iyo Panama. Dalalkan ayaa wixii maanta ka bilowdo si rasmi ah uga mid noqdeen xubnaha aan joogtada ahayn ee golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay.

Soomaaliya ayaa xubin aan joogta ahayn ka noqotay golaha, iyada oo ku matali doonto labada sano ee soo socota qaarada Afrika.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dadaal badan gelisay kursigan iyo sidii ay ku heli lahayd, taasi oo ugu dambeyntii maanta mira-dhal noqotay.

Soomaaliya iyo afarta dal ee kala ah Denmark, Greece, Pakistan iyo Panama ayaa waxay beddeli doonaan dalalkii horey ugu fadhiyay kuraasta ee kala ah Mozambique, Switzerland, Malta, Japan iyo Ecuador.

Guushan wayn ee ay gaartay Soomaaliya ayaa kor usii qaadeyso dowladda federaalka oo sanadihii ugu dambeeyay ku guuleysatay barnaamijyo waa wayn, sida qaadista cuna-qabateynta hubka, deyn-cafinta iyo ku biirista dalladda bulshada bariga Afrika ee EAC.