Wada-hadalladii Ankara ee Soomaaliya iyo Itoobiya oo lagu kala kacay + Sababta

Ankara (Caasimada Online) – Wada-hadaladii Soomaaliya iyo Itoobiya uga socday magaalada Ankara ee dalka Turkiga ayaa mar kale natiijo la’aan ku soo dhamaaday.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, dhinacyada ayaa isku mari waayey qodobo ay kamid yihiin soo afjarida is-afgaradkii Somaliland iyo waxa xigga, iyada oo dowladda federaalka Soomaaliya ay ku adkeysatay mowqifkeeda ku aadan damaca Itoobiya ee badda.

Dhinacyada ayaa markale u ballamay in wareeg 3-aad la isugu soo laabto bisha soo socoto ee September, waxaana sidaas mar labaad loogu kala kacay wada-hadaladii xalka loogu raadinayay xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya, oo dadaal badan uu ka galay Turkiga.

Dowladda Soomaaliya ayaa intii uu socday wada-hadalka dooneysa in la keeno hannaan looga laabanayo heshiis beenaadkii badda lagu bixinayey ee Muuse Biixi iyo Abiy Axmed ay kala saxiixdeen.

Halka Itoobiya ay dooneysay in la caddeeyo qaab ay uga laaban karaan MOU-gaas iyo waxa loogu bedelayo, si la mid ah tii dowladdii hore markii ay Muqdisho heshiis is faham ku gaareen ra’iisul wasaare Abiy Ahmed iyo madaxneynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo.

Farmaajo iyo Abiy ayaa isku fahmay in afar Dekedood ay maalgashato Itoobiya, kadib booqashadii Abiy Axmed ku yimid Muqdisho sanadkii 2018-kii, balse dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa burburisay heshiiskii Farmaajo.

Diblomaasiyiinta Turkiga ayaa u kala gudbinayay farriimaha, mana jirin wada-hadalo fool ka fool ah oo dhex-maray dhinacyada, kuwaas oo saacado badan kadib kusoo idlaaday natiijo la’aan.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa diidan in toos la isku hor fariisto ilaa inta Itoobiya ay ka laabaneyso heshiis beenaadkii ay la gashay maamulka Somaliland.