Soomaaliya iyo Itoobiya oo ku kala tegay wada-hadaladii Turkey – Maxaa dhacay?

Ankara (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in uu natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulan la isugu keenay wakiillo kala matalayay Soomaaliya iyo Itoobiya oo la rabay in xal looga gaaro khilaafka labada dal.

Ilo wareedyo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in wafdiga dawlada Soomaaliya ay ku adkaysteen in aysan gorgortan ka galaynin arrimaha uu khilaafku ka taagan yahay oo ah heshiiskii badda ee sida sharci-darrada ah ay Itoobiya ula saxiixatay Somaliland.

Kulankan ayaa ahaa mid ku yimid codsi ay Itoobiya soo marsiisay dalalka Qatar, Mauritania iyo Turkey oo ay ka dalbatay inay dhex-dhexaadiyaan iyaga iyo Soomaaliya.

Markii la isugu tegay miiska wada-hadalka dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay mowqifkeedii ahaa “in Itoobiya ay ka laabato heshiis beenaadkii ay la gashay Muuse Biixi, si loo guda-galo wada-hadalka.”

Wasiirka arrimaha dibadda Turkey Hakan Fidan oo garbihiisa ay taagan yihiin wasiirrada dhiggiisa ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay in kulamadu ay sii socon doonaan, dibna la isugu soo laaban doono labada bisha September ee sannadkan 2024.

Dawladda Soomaaliya ayaa mawqif adag ka taagan difaaca madax-bannaanida dalka, waxaana go’aankeedaas oo ay meel walba ka caddeysay loo arkaa inuu caqabad ku noqday Itoobiya, oo cadaadis caalami ah kala kulmay heshiiskii Somaliland.

Heshiiska badda ayaa Itoobiya quus caalami ah geliyay, kadib cadaadiska diblumasiyadeed, taasi oo Itoobiyaanka ku kallifay inay raadiyaan dowlado wada-hadashiiya iyaga iyo Soomaaliya.