Xamza oo maanta guddoomiyey shir aan caadi aheyn + Ujeedka (Sawirro)

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Mudane Xamza Cabdi Barre ayaa maanta markale guddoomiyey kulan aan caadi aheyn muddo 24 saac gudahood.

Kulankan oo looga hadlayey u diyaar-garowga shirka caalamiga ah ee COP-29, kaasi oo bisha November lagu qaban doono magaalada Baku ee dalka Azerbaijan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii Soomaaliya ay ula tagi lahayd COP-29 barnaamijyo cad cad oo wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimiladu ay ku yeelatay dalkeenna, iyada oo lagu soo bandhigay fursadaha jira iyo caqadaha u baahan in wadajir wax looga qabto.

Ra’iisul Wasaare Xamza ayaa kula dardaarmay wasaaradaha uu quseeyo shirka in ay la yimaadaan qorshayaal cad cad oo la taaban karo.

Sidoo kale wuxuu ku boorriyay in ay si wada-jir ah u shaqeeyaan, si Soomaaliya ay uga faa’iidaysato fursadaha uu shirka COP-29 soo bandhigi doono.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale xusay in Soomaaliya ay u baahan tahay in ay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay dalalka iyo hey’adaha caalamiga ah, si ay u hesho taageero ballaaran oo ku saabsan dadaallada lagu xallinayo isbedelka cimilada.

Ugu dambeyntiina wuxuu hoosta ka xarriiqay in shirka COP-29 uu yahay fursad qaali ah oo ay tahay in Soomaaliya ay si buuxda uga faa’iidaysato, si xal loogu helo dhibaatooyinka ay dalkeenna ku yeelatay saameynta ka dhalatay isbeddelka cimilada adduunka.