Daawo: Xildhibaano u badan reer Koonfur Galbeed oo ku dhawaaqay qorshe culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaano ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay gole ay ku mideysan-yihiin oo shaqeynaya ‘midnimada iyo difaaca dalka, doorasho waqtigeeda ku dhacda iyo la xisaabtanka hay’adaha dowladda.’

Xildhibaanada ku midoobay golahaas oo caawa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa xusay qodobada ay ka shaqey doonaan oo gaaraya 14 qodob.

“Ka Shaqeynta doorasho waqtigeeda ku dhacda oo heshiis lagu wadayahay” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah war-saxaafadeedka oo xildhibaanadu ay si gaar ah hoosta uga xariigeen.

Waxay sheegeen in dalku ku jiro caalad siyaasadeed oo adag, iyagoo hoggaaminta dowladda ku tilmaamay mid guracan, isla markaana ay ka shaqey doonaan sidii loo toosin lahaa waxyaabaha qaldan.

“Si wadada saxda ah loogu soo celiyo hoggaanka dowladda federaalka, waxaan dhisnay gole ay ku mideysan yihiin qaar ka mid ah xildhibaanada labada Aqalka oo u istaagay xal u helidda mugdiga siyaasadeed oo dalku galay iyo qaladaadka dowladeed ee ka jira golayaasha dowladda,” ayaa lagu yiri bayaanka.

Xildhibaanadu waxay sheegeen inay dhibsadeen isku milan ka dhex-jira hey’adaha dowladda oo laga rabay inay iskula xisaabtamaan shaqada, taasi oo sida ay sheegeen khilaafsan dastuurka dalka.

“Xoojinta la dagaalanka argagixisada iyo difaaca Qaranka” ayaa lagu yiri qodob ka mid ah war-saxaafadeed, balse laguma soo hadal qaadin Itoobiya oo ah cadowga koowaad ee Soomaaliya, waxaana xusid mudan in Xildhibaanadaan ay yihiin kuwii maalmo ka hor Muqdisho uga dhawaaqay inay la dareen yihiin dadka reer Bay iyo Bakool oo sheegay inay rabaan Itoobiya.

Hoos ka daawo