Xukuumadda Xamza oo yeelatay R/Wasaare ku-xigeen labaad – Yaa loo magacaabay?

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa yeelatay ra’iisul wasaare ku-xigeen labaad, kaasi oo maanta la magacaabay.

Wareegto kasoo baxday xafiiska ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa xilkaan loogu magacaabay Cabdisalaan Cabdi Cali, oo ahaa wasiirka howlaha guud.

Xukuumadda ra’iisul wasaare Xamza ayaa noqotay xukuumaddii ugu horeysay oo yeelatay labo ra’iisul wasaare ku-xigeen, kaddib dowladdii kumeel-gaarka.

Muddo xileedkii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh ayaa xukuumaddiisa u horreeyay uu magacaabay ay yeelatay hal ra’iisul wasaare ku-xigeen, taasi oo meesha ka saartay ra’iisul wasaare ku-xigeenadii saddexda ahaa ee xukuumadihii dowladdii KMG ay laheyd.

Magacaabista xilkaan ayaa waxaa muddo hortaagna ra’iisul wasaare ku-xigeen Saalax Jaamac iyo xildhibaannada gobollada Waqooyi oo ayagu u arkayay in la wiiqayo awoodooda, ayada oo ugu dambeyn ay Madaxtooyada ku qancisay inuu ka fuqo.

Saalax ayaa maalmo kahor wajahay dagaal siyaasadeed lagu dhaafin rabay kursigiisa golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, kaas oo ay markii dambe soo fara-gelisay Madaxtooyada, oo ayadu guddoomiye Cabdi Xaashi ku qancisay inuu Saalax u dhaafo kursigiisa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa horey ballan-qaad ugu sameeyay magacaabista kursigaan, oo ay ka dalbadeen siyaasiyiinta iyo xildhibaannada baarlamaanka ku metela Koonfur Galbeed.