DAGAAL culus oo dib uga qarxay degmada LUUQ

Luuq (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya dagaal xoogan oo goordhow dib uga qarxay degmada Luuq ee gobolka Gedo, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan.

Dagaalka ayaa saaka dib uga bilowday bartamaha magaalada, waxaana maleeshitaadka ay isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sida ay innoo sheegeen ilo dadka deegaanka ah.

Maleeshiyaadka dagaalamaya oo in dhowaanahaan isku horfadhiyay degmada Luuq ayaa mar kale saaka is fara saaray, kadibna waxaa sidaas ku bilowday dagaalkooda.

Wararka ayaa intaasi kusii daraya inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac ah oo soo kala gaaray dhinacyada dagaalamay iyo dad kale oo shacab ah.

Ku dhowaad 10 qof ayaa la xaqiijiyay inay dhinteen, iyada oo ay dhaawacmeen tiro kale oo intaasi kasii badan, sida ay innoo sheegeen ilo wareedyo dadka deegaanka ah.

Xaaladda ayaa kacsan, waxaana weli rasaas laga maqlayaa xaafadaha kala duwan ee degmada, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo saraakiisha laamaha amniga oo ku aadan dagaalkaasi.

Dagaalkan wuxuu kusoo aadayaa, ayada oo shalay Kismaayo uu madaxweynaha Jubbaland kusoo xiray shir u dhexeeyay odayaasha beelaha haatan ku dagaalamaya degmada Luuq ee gobolka Gedo

Shirka ayaa waxaa murtiyeed kasoo baxay lagu sheegay in heshiis laga gaaray colaadda degmada Luuq, balse waxaa heshiiskaas burinaya dagaalka saaka mar kale dib uga qarxay gudaha degmadaasi.

Colaaddan ayaa soo noq noqotay, waxaana beelaha dagaalamaya ay isku haystaan maamulka degmada iyo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ay horay isugu gaysteen.