Saciid Deni oo Shirkadda DP World ka wareejiyey Dekedda BOOSAASO

Boosaaso (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland, Mudane Saciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo wariyeyaasha la hadlay ayaa shaaca ka qaaday in maamulka Dekedda Boosaaso uu ka wareejiyey shirkaddii gacanta ku heysay ee P&O, taas oo hoostegta shirkadda DP-World ee laga leeyahay dalka Isu tagga Imaaraatka Carabta.

Saciid Deni ayaa sheegay in P&O Port ay ka baxday ballamihii ay wada-galeen ee ku aadanaa horumarinta Dekedda Boosaaso, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay ashtago ka keeneen odayaasha dhaqanka Boosaaso, ayna ku fashilantay waxqabadkii laga sugayey.

Madaxweynaha Puntland ayaa xusay inay haatan maamulka dekedda ku wareejiyeen shirkad kale oo iyana hoostagta DP-World, taas oo uusan magaceeda shaacin.

“Shirkaddii P&O Port waxa ay ku fashilantay in ay qabatasho qadashadii loo igmaday, DP-WORLD si toos ah uma maamuli jirin waxaana ceeb ku noqotay sida P&O ay wax u maamushay sidaas awgeed ayay la wareegtay oo waxa ay soo dirsatay shirkad cusub oo aan dib kasoo sheegi doono magaceeda,” ayuu yiri madaxweynaha maamulka Puntland.

Dhanka kale waxa uu sheegay in shirkadda cusub ay dib u hagaajin ku sameyn doonto Dekedda Boosaaso iyo dhammeystirka howlihii qabyada u ahaa P&O Port.

Ugu dambeyn Saciid Deni ayaa hoosta ka xariiqay in saamiga Puntland uu noqon doono 25% inta kalena ay qaadan doonto DP-World.

“Shirkadda abuurantay waxaa wada leh DP-World iyo Puntland, waxaana ku leenahay 25% inta kalena waxaa qaadaneysa DP-World, waxaa saaran mas’uuliyad ah in ay wax badan ka qabato horumarinta Dekedda,” ayuu markale hadalkiisa sii raaciyey madaxweyne Deni.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo bilihii lasoo dhaafay magaalada Boosaaso ay ka taagneyd dood la xiriirta dekedda weyn magaaladaasi, taas oo u dhexeysay waxgaradka deegaanka iyo shirkadd P&O Port oo lagu eedeeyey inay aysan waxba ka qaban dekadda.