DF oo baaris ku hayso saraakiil ciidan oo la shaqeysa Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida Axmed Cabdalla oo la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyay inay jiraan saraakiil iyo askar ka tirsan dowladda oo haddane gacan saar la leh kooxda Al-Shabaab.

Axmed Cabdalla ayaa sheegay inay helaan xog rasmi ah oo ku aadan saraakiisha ciidan ee la shaqeysa maleeshiyaadka Al-Shabaab, weliba iyaga oo ku dhex jira laamaha amniga.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay inay xubnaha la tuhunsan yahay ay ka tirsan talisyada Xoogga dalka, Booliska iyo Nabad-Sugidda, sida uu hadalka u dhigay.

“Argagixisada ayaa xog laga helay waxaa laga ogaaday in saraakiil iyo ciidan ay la shaqeeyaan oo ku dhex jira laamaha amniga, sidaas aawgeed laamihii amniga dabagal ayaa lagu sameeyay ama Milatari ha ahaado ama Boolis ama ha’ahaado Nabad-Sugid” ayuu yiri Axmed Cabdalle.

Ku xigeenka Xeer-ilaaliyaha guud ee Maxkamadda Ciidamada ayaa tilmaamay in haatan dabagal ku hayaan shaqsiyaadkaasi, ayna soo qaban doonaan si loo maxkamadeeyo.

“Qaar maxkamadda ayaa horkeenay, qaar horay ayaan u horkeenay oo waa la la xukumay, qaar kale baaris ayaa noogu socoto waana horkeeni doonaa kuwa kalena dabagal ayaa noogu socdo waa lasoo qaban doono” ayuu mar kale yiri xeer-ilaaliye ku xigeenka.

Waxaa kale oo uu hoosta ka xariiqay in cid kasta oo lagu helo la shaqeynta kooxda Al-Shabaab ay ku kacday qiyaano qaran, lagulana xisaabtami doono dambigaasi culus.

“Haddii aan soo qabano saraakiisha la shaqeysa Al-Shabaab maxkamadda ayaa horkeeni doonaa ayadoo wax isxaan ah loo sameyn doonin oo cadaaladda la marsiinaayo, sababtoo ah qiyaano qaran ayay sameeyeen, waaa dambi aad u culus” ayuu mar kale kusii daray.

Hadalkan wuxuu kusoo aadayaa, xilli dowladda Soomaaliya ay haatan dagaa adag ay kula jirto kooxda Al-Shabaab oo laga xoreeyay dhul aad u ballaaran.