DF oo dhalleeceyn xooggan kala kulantay tallaabo ay qaaday oo ku gaar ah reer Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Gobolka Banaadir oo ay ku nool yihiin ku dhawaad 3.5 million waxaa dowladda Federalka uu ka helaa 15% oo kaliya dakhliga Dekedda ,halka 85% dakhliga guud ee dhammaan inta canshuur la qaado uu ku baxo dowladda Federalka ah oo aan ognahay iney matalaad u tahay Soomaali oo idil.

Wasaaradda Maaliyaddu dakhli kama hesho maamulada kale sida:

  • Puntland
  • Somaliland
  • Koofur Galbeed
  • Jubbaland
  • Hirshabeelle
  • Galmudug

Magaalada sidaas canshuurta u bixiso ma jirto wax adeeg ah oo bilaash oo dowladdu bixiso marki laga soo tago Jaamacadda Ummadda iyo Iskuulo waxbarsho oo dowli ah oo qaarkood si billaash lagu dhigto, gaar ahaan Dugsiyada hoose iyo dhexe.

Intaas waxaa u sii dheer mashaariic ay Wasaaradda Maaliyaddu ka warheyso oo dakhligeeda ınta badan bannaanka lagu maamusho oo shirkado gaar ah maamulaan, iyadoo ay dowladda Federaalka ah ay leedahay ku dhawaad 6,000 oo shaqaale rayid ah, haddana howlaha canshurH ıyo adeegyadii ay laheyd waxaa qabta shirkado gaar loo leeyahay.

Haddaba Wasaaraddu iyadoo gabtay wanaajinta maamulka maaliyadda ayaa waxay rabtaa inay khaladkeeda ku qariso inay canshuur dul dhigto dadka reer Muqdisho oo kaliya.

Wasaaradda Maaliyadda ee dowladda Federaalka waa in lagula xisaabtamo oo Maamulka Gobolka Banaadir qorsha cad ka yeeshaa sidii canshuurta loogu celin lahaa ugu yaraan 40% magaalada Caasimadda ah si bulshada degan u hesho adeeg dadweyne iyo Kaabayaal Dhaqaale oo heerkoodu sarreeyo, si canshuurta maalin walba joogtada loogu kordhiyo ay u bixin karaan.

Sidoo kale Wasiirka waxaa laga rabaa inuu dadajiyo sharciga mideynta canshuuraha (Fiscal Federalism Law) taas oo fududeyneyso in dakhliga dowladda kordho ,adeegga dowladduna ugu baaho maamul goboleedyada, si gobol walba wixi uu keensado waxna laga siiyo waxna Federaalka lagu soo celiyo taas oo Muqdisho culeyska hadda saaran ka yareyn karta.

Dhinaca kale khudbadii uu jeediyay Wasiirka Maaliyadda waxaa uu ku dooday inay dalalka deriska ah canshuurtooda gadista (VAT) ay qaadaan 16% iyo ka badan, isaguna uu 5% soo rogay, hase ahaatee waxaa uu Wasiirka indhaha ka qarsanayaa in dalalkaas canshuurta laga qaado loogu fuliyo adeegyo bulsho sida nadaafadda, caafimaadka, waxbarashada, gaadiidka, waddooyin iyo ammaanka oo dadkooda sida ay rabaan iyo goorta ay rabaan shaqeysan karaan.

Xamar jid ma leh jiiro kastaa waa god, luuq walba waxaa taallo isbaaro dowladeed ama mid ciidan oo lacag lagu rabo.

Waxaa kale intaas dheer boqolkiiba shanta 5% ee la rabo in laga qaado ayaa kun jeer ka badan tan dalalkaas waayo 5% waxaa lagu dhuftaa waa dollar oo lama eka 16% oo Shilling Keyna ah ama birta Itoobiya ah, waayo lacag adag ayaa lagu dhuftay tan Soomaaliya.

Laakiin Kenya waxaa loogu dhuftay lacagtooda Kenyan Shilings, waxaa halkaas ka muuqdo farqi aad u weyn, sidaas darteed waa in canshuurta wasaaradda soo rogtay ee iibka lagu qaado 5% Shilling Soomaali, taas indhaha waa laga qabsan karaa marka canshuur ahaan loo qaado Shilinka Soomaaliga oo aan culeys badan ku dareemeyn shacabka Muqdisho.

W/Q: Abdiaziz Golfyare