DF oo ganacsatada Muqdisho uga digtay arrin ay ku qasbeyso kooxda Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda ee maamulka gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo maanta wariyeyaasha kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo ku aadan kaamirooyinka ee ay horay u amartay dowladda in lagu xiro guryaha iyo goobaha ganacsi ee Muqdisho.

Yabooh ayaa sheegay in maamulka gobolka uu ka war haayo ganacsato iyo dad shacab ah oo dib u furay kaamirooyinka ay xirteen, sababo la xiriira culeys amni oo soo wajahay, ayna soo saartay kooxda Al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa shaaca ka qaaday in arrintaasi ay dambi tahay, islamarkaana aan la furi karin kaamirooyinka xiran, la’iskulana xisaabtami doono.

“Beryahaan waxaan maqlaayay meelo la leeyahay kaamirooyinka ayaa laga furay oo dad shacab ah ayaa furay duruufo jireen inay u fureen ayaa suuragal ah, laakiin ma noqoneyso wax sax ah kaamiro la xiray in la furo, waana dambe aad iyo aad u wayn,” ayuu yiri guddoomiye ku-xigeenka amniga gobolka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in kaamirooyinka ay wax badan soo kordhiyeen, islamarkaana ay ka qayb qaateen sugidda amniga caasimada.

“Kaamirada sideeda ka hortagna waa la eedahay ka daba tegna waa leedahay, wax badan ayay qabatayaa, dambiilayaasha ayay qabataa,” ayuu mar kale yiri Yabooh.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo Al-Shabaab ay beegsi ku bilowday goobaha ganacsi ee lagu xiray kaamirooyinka, iyada oo qaarkood qarxisay, sidoo kale dishayna dhowr qof oo ganacsato ahaa, kadib markii ay ka dhago adeegeen amarka kooxda oo lasoo xiriirtay.