DF oo isku dayeysa inay ka hortagto arrin ay deeq bixiyayaashu ka qeyliyeen

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wada dadaallo ay meesha uga saareyso leexsashada gargaarka bani’aadannimo, taasi oo ay ka qeyliyeen deeq bixiyeyaasha caalamiga ah.

Madaxa qaybta horumarinta barnaamijyada hay’adda SODMA Dr. Ismaaciil Jimcaale ayaa soo xiray aqoon is weydaarsi ku saabsan dhaqan-gelinta xeerarka iyo siyaasadaha looga hortagayo leexsashada gargaarka bani’aadannimo.

Aqoon-is-weydaarsigani waxaa ka soo qayb-galay la-taliyayaal, howl-wadeenno ka tirasan SODMA, saraakiil ka kala socday ururka qareenada, NGO-yada iyo hay’addaha ka shaqada arrimaha gargaar ka.

La-taliyaha sare ee hay’adda maareynta musiibooyinka u qaabilsan ka hortagga leexsashada gargaarka Cabdulqaadir Shariif Sheekhuna ayaa sharaxaad ballaaran ka siiyay ka qayb-galayaasha muhiimadda hay’adda SODMA iyo dadaalka dheeraad ah ay ku bixisay in xeerar iyo siyaasado looga hortagayo leexsashada gargaarka bani’aadminimo.

Kulanka ayaa sidoo kale ahaa madal lagaga wada-hadlay oo la isku weydaarsaday sidii loo hirgelin lahaa fulinta siyaasado iyo xeerar adag oo loogaga hortagi karo khataraha leexsashada gargaarka bani’aadminimo, si loo ilaaliyo hufnaanta howlaha samafalka iyo gargaarka, kuwaas oo kala ah:

1- In loo ololeeyo horumarinta iyo hirgelinta siyaasadaha iyo xeerarka looga hortagayo leexsashada gargaarka bini’aadantinimo.

2- Muujinta muhimadda ay leedahay dhaqan gelinta siyaasadaha iyo xeerarka jira si looga hortago leexsashada gargaarka.

3- Dhiiri-gelinta iskaashiga ka dhexeeya daneeyayaasha si loo xoojiyo hufnaanta bixinta gargaarka bani’aadminimo.

Ugu dambeyntiina madaxa qaybta horumarinta barnaamijyada SODMA ayaa adkeeyay muhiimada ay leedahay in la helo wadiiqooyin, xeerar iyo siyaasado ay dowladda Soomaaliya leedahay, kaas oo lagu hago hay’addaha arrimaha gargaarka bani’aadminimo ka shaqeeya, taas oo lagu gaarayo in la helo sharci lagu istaajin karo isdaba marin arrimaha gargaarka ah taas oo muhiim tahay in si sax ah u gaarsiino dadka loogu talagalay.