DF oo ka hadashay go’aanka Kenya Airways ku joojineyso duulimaadkeeda Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin ka bixiyay go’aan ka soo baxay Shirkada duulimaadyada Kenya Airways oo sheegtey in ay joojisay duulimaadyadii ay ku imaan jirtay magaalada Muqdisho.

Qoraal ay shirkaddu soo saartay maalin ka hor ayey ku sheegtay in ay duulimaadyadii Muqdisho ay u hakisey sababo dhanka shaqada ah, inkastoo aysan si dhab ah u xaqiijin sababta ka dambeysa joojinta duulimaadkooda Muqdisho.

Shirkadda ayaa sidoo kale qoraalkeeda ku cadeysay in kulan ay yeesheen gudiga maamula shirkada Kenya Airways ay isla garteen in laga bilaabo 14-ka bishan October ay joojiyaan duulimaadyadii ay diyaaradoodu ku imaan jirtey magaalada Muqdisho.

Maareeyaha guud ee Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho Maxamed Siciid Cabdullaahi oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in xogtaas ay hayaan, balse aysan jirin wax caqabad ah oo shirkadaas ay la wadaagtay oo kalifay inay joojiyaan duulimaadkooda.

Maareeyaha ayaa sidoo kale sheegay inay dareemayaan in qiimo yari ay jirto, maadaama shirkado badan oo caalami ah ay suuqa ku soo biireen, kuwaas oo duulimaadyo toos ah ku yimaada Muqdisho.

Waxaa la weydiiyey Maareeyaha in rakaabkii aadi jiray Nairobi Kenya uu yaraaday, wuxuuna sheegay in uusan yaraan, balse ay jiraan shirkado kale oo sababay in qiimo dhimis ay timaado.

Maamulka Garoonka Aadan Cadde ayaa cadeeyey in wax dhib ah aysan u arkin in shirkadda diyaaradaha Kenya Airways ay joojisay duulimaadyadeedii Muqdisho to Nairobi, maadaama ay soo badanayaan diyaaradaha kale ee caalamiga ah ee dib u bilaabaya duulimaadyadoodii Muqdisho.

Shirkadda diyaarada Sacuudiga iyo dalal kale oo Yurub iyo Mareykanka ayuu sheegay inay dhowaan bilaabayaan duulimaadyadooda Muqdisho, taasi oo muujineysa in Soomaaliya ay soo kabatay, isla markaana aysan dhib u arkin go’aanka hal shirkad oo danteeda ganacsi ka fikireysa.

Hoos ka dhageyso wareysiga