DF oo lagu booriyay ‘ka laabashada’ sharci xasaasi ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu booriyay in ay ka laabato hindise sharciyeedka warfaafinta, sida lagu yiri bayaan kasoo baxay xiriirka caalamiga ah ee saxafiyiinta (IFJ).

IFJ oo si weyn uga hortimid sharcigan ayaa sheegtay in uu saameyn ku yeelan karo xaqa macluumaadka, uuna ka hor imaanayo halbeegyada caalamiga ah, oo ay ku jiraan sharciga AU ee helitaanka macluumaadka iyo sidoo kale dastuurka kumeel-gaarka ah ee Soomaaliya.

“Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waa in ay ku dadaasho in ay sameyso dib u eegis dhameystiran si loo waafajiyo Hindise Sharciyeedka Hab-dhaqanka Wanaagsan ee Nidaaminta (GRPs),” ayaa lagu yiri bayaanka IFJ.

Qoraalkan ayaa sidoo kale waxaa looga digay in hadddii la ansixiyo sharcigan uu wiiqi doono xorriyada warbaahinta Soomaaliya.

“Hadii hindise sharciyeedka warfaafinta ee rasmiga ah loo ansixiyo qaabka uu hadda yahay, waxa uu si weyn u wiiqi doonaa xoriyada xogta iyo daah-furnaanta Soomaaliya, taasi oo awood u siineysa sirta dowladda,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Waxa kale oo lagu yiri “Waxaa suuragal ah in uu sare u kaco musuq-maasuqa iyo ku takri falka awoodda. Qodobbada sharciga ah ee aan caddayn waxay caqabad ku noqon doonaan isla-xisaabtanka waxayna dhaawacayaan kalsoonida ay Soomaaliya ku qabi karto saaxiibada caalamka.”

Ku-xigeenka xoghayaha guud ee IFJ Tim Dawson ayaa sheegay in sharciga warfaafinta ee rasmiga ah sida uu yahay uu ka dhigan yahay khatar weyn oo ku wajahan xoriyadda macluumaadka iyo dowlad wanaaga Soomaaliya.

“Waxaan ka codsaneynaa dowladda Soomaaliya in ay si degdeg ah uga laabato sharcigan oo ay dib u eegis ku sameyso si loo gaarsiiyo heerarka caalamiga ah,” ayuu yiri Dawson.

Waxa uu intaas kusii daray “Ilaalinta xuquuqda macluumaadka waxay muhiim u tahay ilaalinta mabaadi’da dimoqraadiyadda iyo kobcinta kalsoonida shacabka Soomaaliyeed iyo saaxiibada caalamkaba. Isbeddelladan la’aantood, Soomaaliya waxay halis ku yihiin dowlad wanaagga iyo hirgelinta dimoqraadiyadda.”

Horey ururka suxufiyiinta qaranka Soomaaliyeed ee NUSOJ ugu adkeystay in hindise sharciyeedka uu noqon karo mid aan si cad loogu tix-galin karin dejinta siyaasad loo dhan yahay, taasi oo wiiqeysa qiyamka asaasiga ah ee dimoqraadiyadda, iyo wax ku oolnimada sharciga.