DF oo qaaday tallaabo culus oo la xiriirta amniga MUQDISHO

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa mar kale qaaday tallaabo culus oo lagu xaqiijinayo amniga magaalada Muqdisho, si looga hortego falalka amni darrada ah iyo weerarada ay kooxda Al-Shabaab ka fuliso gudaha caasimada.

Wasiirka amniga, taliyeyaasha booliska iyo nabad-sugidda ayaa xalay ka qayb-galay howlgallo saf ballaaran ah oo ciidamada ammaanka ay ka sameeyeen gudaha caasimada, waxayna mas’uuliyiintan kormeereen degmooyinka howlgallada ballaaran laga sameeyay.

Sidoo kale waxa ay mas’uuliyiinta hay’adaha amniga socod dheer oo amni xaqiijin ah kusoo mareen dhammaan degmooyinka gobolka Benaadir iyo deegaanada dhaca  duleedka caasimadda, iyaga oo u kuur galay hannaanka shaqo ee ciidamada dowladda Soomaaliya.

Sidoo kale waxa ay fareen saraakiisha ciidamada inay dardar galiyaan howgalada lagu sugayo amniga, iyaga oo xusay in ay joogteyn doonaan kormeerada noocaan oo kale ah.

Tallaabadan ayaa ka dambeysay, kadib markii ay maalmahan kooxd Al-Shabaab kordhisay bartimaameedkeeda Muqdisho, waxaana ugu dambeysay maanta oo ay qarax sababay dhimasho iyo dhaawac ka fulisay maqaayad ku taal degmada Kaaran ee gobolka Banaadir.

Weerarkan waxaa ka horreeyay mid kale oo uu fuliyay qof isku soo xiray walxaha qarxa, waxaana dhowaan kooxda ay la beegsatay maqaayad ku taalla kasoo horjeedka Iskuul Buluusiyo ee magaalada Muqdisho, kaas oo ay ku dhinteen askar iyo dad kale oo shaca ah.