DF oo qorshe culus ka fulisay xuduuda Somalia iyo Ethiopia (Sawirro)

Feerfeer (Caasimada Online) – Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Axmed Siciid Maxamed ayaa xariga ka jaray dhismaha bar-xuduudka Feer-Feer ee Gobolka Hiiraan ee Dowlad Gobaleedka Hirshabeele.

Agaasimaha Guud ee HSJ oo ka hadlay munaasabadda xarig jarka ayaa sheegay in uu dhameystiran yahay guud ahaan qalabkii lagu hubin lahaa dadka ku safraya xuduudka, taas oo qayb wayn ka ah amniga guud ee dalka.

Sidoo kale, waxa uu Agaasimaha Guud sheegay in Hay’addu wado qorshayaal kale oo lagu horumarinayo dhismayaasha bar-xuduudeedyada dalka laga soo galo.

Arrintaan ayaa si weyn uga qeyb qaadaneysa la socodka dhaq dhaqaaqa socdaalka iyo ilaalinta xudduudaha dalka.

Munaasabadda xarig jarka ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa Gudoomiyaha Gobolka Hiiraan iyo Mas’uuliyiin kale oo ka tirsan dowlad goboleedka Hirshabeelle.

Bar-xuduudeedka Feer-Feer ayaa kamid ah marinada laga soo galo wadanka, waana bar uu isaga kala gudbo ganacsiga ladabada dal ee Soomaaliya iyo Itoobiya, sida gaadiidka wada badeecadaha kala duwan.

Gaadiidka badeecadaha ka qaada gudaha Soomaaliya iyo kan ka keena gudaha Itoobiya ayaa isaga gudba marinta magaalada Feerfeer ee galbeedka gobolka Hiiraan.

Waa magaalo ku taalla dhulka xuduud beenaadka ah ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, labada dowladood ayaa ka taliya labada gedi ee magaalada, taasi ayaa muhiim ka dhigeysa in hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay xarun ku yeelato magaaladaas.